Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa waxa dib uga dhaawacmay xiddiga intii uu taamka u ahaa ay natiijooyinka fiican helayeen, kaas oo mar kale uu soo gaadhay dhaawac uu muddo ku maqnaan doono.
Lama shaacinin tirada usbuucyada uu jiifayo iyo haddii uu qalliin gelayo, laakiin tababare Mauricio Pochettino ayaa shaaciyey in kooxdiisa uu mar kale ka dhaawacmay xiddiga reer France ee Christopher Nkunku.
Christopher Nkunku oo beddel kusoo galay ciyaartii finalka Carabao Cup ee Liverpool ayaa waxa hadda dhaawaciisa gacanta ku haya dhakhaatiirta oo qiimaynaya, waxaanay kooxdu kasoo saari doontaa war rasmi ah oo la xidhiidha muddada maqnaanshihiisa.
Mauricio Pochettino oo saxaafadda la hadlayey goordhoweyd ayaa yidhi: “Shalay ayaanu maqalnay in Christopher Nkunku uu dhaawacmay, laakiin anagu maba garanayno waqtiga uu dhaawacu soo gaadhay.”
Warbaahinta waddanka Ingiriiska ayaa sheegaysa, in illaa bil uu Chrostpoher Nkunku ka maqnaan doono garoomada amaba ay kasii badnaan karto marka loo eego rikoodhka dhaawacyadiisa ee uu inta badan u jiifay xilli-ciyaareedkan.
Toban kulan oo kaliya oo dhamaan tartamada ah ayuu ciyaaray tan iyo bishii December oo uu kasoo laabtay dhaawac jilibka ah oo sababay in qalliin lagu sameeyo oo kasoo gaadhay ciyaarihii saaxiibtinimo.
26 jirkan ayaa liiska dhaawacyada kula biiri doona Reece James, Romeo Lavia iyo Benoti Badiashile, halka Thiago Silva iyo Marc Cucuerella la filayo inay tababarka kusoo laabtaan usbuucan.
Be the first to comment