Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa go’aan cad ka qaadatay xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo hore u sheegay in uu doonayo inuu ka tago dhamaadka xilli-ciyaareedkan, horena iskaga diiday qandaraas cusub oo ay kooxdu u bandhigtay.
Amiirka Qatar ee iska leh PSG ayaa la sheegay inuu maanta kulan la yeelan doono Kylian Mbappe oo horeba warkiisa ugu caddeeyey, waxaana Amiirku uu laacibkan uga dhigayaa kulankii ugu dambeeyey ee ay wada yeeshaan.
Sida uu ku warramayo wariyaha ciyaaraha ee Fabrizio Romano, Amiirku iskuma dayi doono inuu kala hadlo Mbappe heshiis cusub, waxaana uu kulankoodu noqon doonaa sidii sagootin oo kale.
Warka ayaa intaa ku daray, in Nasser Al-Khelaifi uu hore uga niyad-jabay laacibkan oo uu ka quustay wax kasta oo suurtogal ahaa oo uu doonayey inuu heshiiskiisa ku cusboonaysiiyo, laakiin haddana ay doonayaan inay sida ugu wanaagsan ku kala ambobaxaan isla markaana aanu xidhiidhkoodu xumaanin si mustaqbalka uu laacibkani ugu soo laaban karo Parc des Princes.
Mbappe ayaa ka tegi doona PSG dhamaadka xilli-ciyaareedkan isaga oo ah ciyaartoygii ugu goolasha badnaa taariikhda kooxda, waxaana lala xidhiidhinayaa Real Madrid oo la sheegay inay mar horeba la gashay heshiis.
Be the first to comment