Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso inay iibiso ilaa 10 ciyaaryahan inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Xilli ciyaareedkan ayaa mid xun u ah Manchester United madaama ay si weyn uga danbeyaan booska loogu soo baxayo Champions League.
Kooxda Erik ten Hag ayaa ku jirta kaalinta lixaad ee kala sarreynta Premier League, iyagoo seddex dhibcood ka hooseeya Tottenham Hotspur oo ku jirta kaalinta shanaad iyo siddeed dhibcood oo ay ka hooseeyaan Aston Villa, kuwaasoo ku jira kaalinta afaraad.
Sida ay qortay wargeyska Manchester Evening News Man United ayaa qorsheyneysa inay iska iibiso ilaa 10 ciyaaryahan xagaaga marka uu furmo suuqa kala iibsiga.
Ciyaartoyda ay ka mid yihiin Aaron Wan Bissaka, Victor Lindelof iyo Facundo Pellistri ayaa wax ka yar 12 bilood uga hartay qandaraaskooda, waxaana la soo dhigayaa suuqa xagaaga.
Dhanka kale, weeraryahanka Mason Greenwood, kaasoo haatan amaah ugu ciyaara kooxda ka dhisan La Liga ee Getafe ayaa soo jiitay xiisaha kooxda Barcelona.
Kooxda ka dhisan Old Trafford ayaa lagu soo waramayaa inay duldhigtay qiimo 23 jirkaan.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Casemiro ayaa sidoo kale ku jira xiddigaha suuqa kala iibsiga la dhigayo waxaana lala xiriirinayaa inuu u wareego horyaalka Sacuudiga.
Jadon Sancho, Donny van de Beek, Hannibal Mejbri iyo Alvaro Fernandez, oo dhamaantood amaah ku maqan, ayaa sidoo kale ka baxaya albaabka Old Trafford.
Ugu dambeyn, weeraryahanka Marcus Rashford ayaan la hubin mustaqbalkiisa ka dib xilli ciyaareed liita, waxaana lagu soo waramayaa in United ay isku dayi doonto inay iska iibiso xiddiga reer England.
Marka laga soo tago ciyaartoyda aan kor ku soo xusnay, Raphael Varane, Anthony Martial iyo Tom Heaton ayaa dhamaantood kooxda ka tagaya marka uu qandaraaskooda dhamaado dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Be the first to comment