Kaddib guushii Liverpool ee koobka Carabao Cup, waxa la shaaciyey 46ka kooxood ee ugu guulaha badan Ingiriiska, kuwaas oo hadda ay figta sare fadhiyo Liverpool oo dhaaftay Manchester United oo hore booskaas u haysatay.
Liverpool ayaa qaadday koobkeedii 46aad oo ah mid weyn, kuwaas oo ay ku jiraan lix Champions League iyo 19 horyaal oo Premier League ah, halka FA Cup iyo Carabao Cup ay iyagana dersin urursatay. Marka la isku-geeyo dhamaan koobabka ay Liverpool qaadday yar iyo weynba, waa 68 koob, halka Manchester United ay iyadana wadarteedu tahay 66 koob.
Laakiin marka kuwa waaweyn oo kaliya lagu koobnaado, Liverpool ayaa haysata 46 koob, halka Manchester United ay 43 koob oo waaweyn oo intooda badan uu u qaaday Sir Alex Ferguson.
Waxa kaalinta saddexaad ku jirta oo ah kooxda saddexaad ee ugu guulaha badan Ingiriiska, Arsenal oo haysata 30 koob oo waaweyn, halka Manchester City oo taariikhdeeda casriga ah iyo guulaheeduba ay soo bilowdeen sannadkii 2008 ay 26 koob ku guuleysatay.
Chelsea iyo Aston Villa ayaa kaalmaha shanaad iyo lixaad ku kala jira oo haysta min 25 koob iyo 20 koob oo waaweyn, iyadoo liiska ay ku jiraan dhawr kooxood oo hadda heerka labaad ka ciyaara.
Halkan kaga bogo 15ka kooxood ee ugu koobabka badan Ingiriiska
1. Liverpool – 46 koob
2. Manchester United – 43 koob
3. Arsenal – 30 koob
4. Manchester City – 26 koob
5. Chelsea – 25 koob
6. Aston Villa – 20 koob
7. Tottenham Hotspur – 17 koob
8. Everton – 15 koob
9. Blackburn – 10 koob
10. Newcastle – 10 koob
11. Nottingham Forest – 9 koob
12. Wolves – 9 koob
13. Sunderland – 8 koob
14. Sheffield Wednesday – 8 koob
15. West Bromwich Albion – 7 koob
Be the first to comment