Lacagtii La Siiyey Liverpool Kaddib Guushii Carabao Cup Oo La Shaaciyey


Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa layaab ay ku noqotay lacagta la siinayo kooxdooda kaddib guushii ay sida adag ugu dagaallantay ee Carabao Cup.

Liverpool ayaa waxa ay 1-0 kaga adkaatay Chelsea, waxaana goolkaas dhaliyey Virgil van Dijk oo daqiiqaddii 118aad madax ku qabtay kubbad koorne ahayd oo uu soo laaday Kostas Tsimikas.

Koobkan ayaa ahaa midka koowaad ee afar koob oo ay u tartamayso Liverpool, waxaana libinteedan xiiso u yeelay ciyaartoyda da’yarta ahaa ee dheelay kulankii finalka ee ka hor tegay, guul-darradana u xambaariyey xiddigaha ay Chelsea lacagta badan kasoo bixisay.

Liverpool ayaa inkasta oo ay si weyn ugu dabbaal-degtay guushan, haddana waxa la siiyey lacag yar oo kooban oo faro guudkood ah, waana £100,000 Gini oo kaliya, halka Chelsea oo kaalinta labaad gashay ay heshay £50,000 Gini.

Maamulka tartanka EFL ayaa waxa ay kaliya ciyaartan u go’aamisay £100,000 Gini oo kooxda guuleysata ah iyo kooxda labaad oo £50,000 ah, halka tartanka FA Cup ay kooxda ku guuleysata qaadato £2 milyan oo Gini.

Guusha Arseanl ee Carabao Cup ayaa ahayd koobkii 68aad ee ay ku guuleysato taariikhdeeda, waxaanay kasii fogaanaysaa Manchester United oo 67 koob ku guuleysatay, waxaana hadda kooxda Ingiriiska ugu guulaha badan ah Liverpool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*