Alan Shearer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Horyaalka Premier League Kaddib Guushii Arsenal Ka Gaadhay Newcastle


Halyeyga reer England ee Alan Shearer ayaa saadaaliyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, kaddib markii uu daawaday xasuuqii ay Arsenal Sabtidii u geysatay kooxdiisii hore ee Newcastle United.

Arsenal ayaa waxay 4-1 ku xasuuqday Newcastle United oo uu Alan Shearer  ku qaatay waqtigiisii ugu fiicnaa, isla markaana yahay ciyaartoyga ugu wanaagsan ee taariikhda kooxdaas soo maray, goolasha ugu badanna u dhaliyey.

Liverpool oo hoggaanka haysa ayaa laba dhibcood ka sarraysa Manchester City oo labaad fadhida, sidoo kalena Arsenal ayaa hal dhibic ka dambaysa Manchester City iyadoo dhamaantood ay badiyeen kulamadoodii horyaalka Premire League ee usbuucan.

Alan Shearer oo la weydiiyey kooxda ku guuleysanaysa horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan, ayaa waxa uu koobka u diiday Arsenal iyo Liverpool, waxaanu siiyey Manchester City oo uu sheegay inuu dareensan yahay in markii afraad oo xidhiidh ah ay ku guuleysan doonto.

“Waxa aad arkaysaa hal koox oo laga yaabo in aanay natiijo wanaagsan keenin hal usbuuc, kaddibna waxa aad u malaynaysaa in fursaddeedii horyaalka Premier League ay u dhamaatay.” Ayuu Alan Shearer ku bilaabay.

Waxa uu sii raaciyey: “Laakiin arrinta wanaagsan waa Man City oo halkaas joogta, mana yaqaannaan cabsida. Xataa marka aanay si fiican u ciyaaraynin waxay aaminsan yihiin in ay guuleysanayaan, waanay sameeyaan.

“Liverpool waynu ognahay waxa ku dhacaya dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaana ka tegaya tababarahooda, taasina waxay ku keenaysaa cadaadis intii hore ka badan. Arsenal iyada waxaynu ognahay wixii ku dhacay xilli-ciyaareedkii hore, sidaas daraadeed iyagana cadaadis ayaa saaran.

“Sidaa daraadeed, Manchester City waa koox xooggan oo aan baqaynin, waxayna ila tahay inay ku guuleysan doonto horyaalka Premier League.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*