Liverpool iyo Chelsea ayaa goordhow ku kulmaya finalka Carabao Cup, waxaanay taageereyaasha labada kooxood dib usoo xasuusanayaan sannadkii 2022 oo ay sidan oo kale iskugu yimaaddeen finalka oo ay Liverpool rikoodheyaal ku qaadday koobka.
Kooxaha ku xafiiltama horyaalka Premier League ayaa markii ay laba sannadood ka hor iskugu tageen garoonka Wembley, waxa 90kii daqiiqadood ay ku dhamaadeen barbarro goolal la’aan ah, iyagoo si toos ah loo galay rikoodheyaal ay libinta ku heshay Liverpool.
Taageereyaasha labada kooxood ayaa isweydiinaya haddii ciyaarta finalka maanta lagu dari doono 30 daqiiqadood oo dheeraad ah haddii ay kooxahoodu barbarro ku dhamaystaan 90ka daqiiqadood sidii finalkii 2022.
Sida uu shaaciyey maamulka EFL, ciyaarta finalka Carabao Cup ee maanta ayaa waxa lagu dari doonaa waqti dheeraad ah oo noqon doona 30 daqiiqadood, haddii waqtiga caadiga ah ay labada kooxood ku kala bixi waayaan, waxaana sidan oo kale ahaa ciyaarihii semi-finalka, halka wareegyadii hore si toos ah loo geli jiray rikoodheyaal.
Ciyaarta oo bilaabmi doonta 6mp waqtiga Geeska Afrika, ayaa waxa labada kooxoodba ay iskugu imanayaan iyagoo dhaawacyo ay ragaadiyeen min dersin ciyaartooyo ah oo ka maqnaanaya kulankan.
Be the first to comment