Erik ten Hag Oo Xal Deg Deg Ah U Baahan Ka Dib Markii La Fashiliyay Laacibkiisa Khadka Dhexe Oo Noqday Meesha Ay Kooxda Ka Liidato


Manchester United ayaa lagu ciqaabay qaab ciyaareed liita oo ay kala hortagtay Fulham kuwaasoo seddexda dhibcood ka qaatay kooxda Erik Ten Hag.

Calvin Bassey ayaa goolasha furay ka hor inta uusan Harry Maguire barbareynin, laakiin Alex Iwobi ayaa goolka guusha u saxiixay Fulham dhamaadkii ciyaarta.

Tababare Erik ten Hag ayaa haatan cadaadis ku hoos jira gaar ahaan inuu isbedel ku sameeyo khadkiisa dhexe ka dib markii la fashiliyay mar kale laacibkiisa khadka dhexe Casemiro.

Casemiro ayaa dhaleeceyn badan la kulmay xilli ciyaareedkan madaama uu soo bandhigayo qaab ciyaareed liita, waxaana ugu sii darneyd kulankii Fulham ee shalay.

Waxa uu dhowr jeer dhiibtay kubada isagoo sameynayay baasas qaldan, waxaa u sii dheereyd in difaacashadiisa ay aad u liidatay ka hor intii aan la bedelin markii ay isku dhaceen Harrisson Reeds iyadoo looga baqay dhaawac madaxa ah.

Waxay u muuqataa mid iska cad in Casemiro uusan aheyn ciyaaryahankii ay mar ku tashan jirtay Man United, iyadoo Erik ten Hag ay dani ugu jirto inuu ka tago xiddiga reer Brazil marka ay wajahayaan Manchester City todobaadka danbe.

Qaab ciyaareedkiisa liita ayaa dhibaato weyn ku ah Shayaadiinta Cas Cas kuwaasoo aan awoodin in rakaab khadka dhexe ah ay sidaan iyagoo dan ka leh kaalinta afaraad ee kala sareynta Premier League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*