20 Ciyaartoy Oo Dhaawac Kaga Maqnaanaya Finalka Carabao Cup Ee Liverpool vs Chelsea


Liverpool iyo Chelsea ayaa waayi doona 20 ciyaartoy oo muhiim ah oo dhaawacyo kaga maqnaanaya finalka tartanka Caraboa Cup ee labadan kooxood ay ku ballansan yihiin.

Labada kooxood oo ku jiray usbuucyo adag oo ay dhaawacyo daashadeen, ayaa garoonka Wembley Stadium iman doona iyadoo aanay la soconin ciyaartooyo waaweyn oo maqnaanshahoodu uu kala dhantaalayo qorshihii tababareyaashooda.

Jurgen Klopp ayaa waxa kooxdiisa ay afar ciyaartoy kaga dhaawacmeen kulankii Brentford ee toddobaadkan horraantiisii, waana Diogo Jota, Curtis Jones, Darwin Nunez iyo Mohamed Salah.

Labada hore ayaa ka baxay garoonka ciyaarta oo socota markii ay dhaawacyo kala duwan ku habsadeen, waxaanay xaaladdiisu adkayd Diogo Jota oo muddo bilo ah ka maqnaanaya garoomada.

Mohamed Salah oo ciyaartii Brentford kasoo laabtay dhaawac kasoo gaadhay ciyaarihii qaramada Afrika, ayay isagana u ahayd ciyaartiisii koowaad, waxaana uu beddelay Diogo Jota, hase yeeshee waxa uu ka maqnaaday kulankii Luton Town. Reds ayaa waxa kale oo ciyaartaas kaga dhaawacmay Darwin Nunez oo ka maqnaaday ciyaartii Luton.

Liverpool ayaa waxa ay waajahaysaa ciyaartooyo yaraan, inkasta oo Darwin Nunez, Mohamed Salah iyo Dominik Szoboszlai oo isagu dhawr usbuuc maqnaa ay waqtiga tartan la geli doonaan si ay taam ugu noqdaan ciyaarta Axadda ee finalka Carabao Cup ee Axadda. Waxa kale oo Liverpool ka maqan Ben Doak, Joel Matip, Stefan Bajcetic, iyo Thiago Alcantara.

Dhinaca Chelsea, kama liidato dhaawacyada Liverpool, waxaana aan fursad u haysanin kulanka finalka Carabao Cup ciyaartoyda kala ah Reece James, Wesley Fofana, Lesley Ugochukwu, Romeo Lavia, Carney Chukwuemeka, Robert Sanchez iyo Trevoh Chalobah iyo kuwo kale.

Koox walba xiddigaha ka maqan:

Liverpool: Ben Doak, Joel Matip, Stefan Bajcetic, Thiago Alcantara, Trent Alexander-Arnold, Diogo Jota, Alisson Becker, iyo Curtis Jones. Waxa kale oo liiska maqaneyaasha geli karaya oo waqtigu cidhiidhi ku yahay Dominik Szoboszlai, Darwin Nunez, iyo Mohamed Salah oo uu Jurgen Klopp ku ducaysanayo inuu waqtigu caawiyo.

Chelsea; Reece James, Wesley Fofana, Marc Cucurella, Lesley Ugochukwu, Romeo Lavia, Benoit Badiashile. Waxa kale oo fursaddoodu yar tahay oo dhaawacyo aan kasoo kabannin laakiin aan maqnaanshahooda la xaqiijinin Robert Sanchez, Thiago Silva iyo Carney Chukwuemeka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*