Arsenal Oo Dalbatay Dilaa Ingiriis Ah, Solskjaer Oo Loo Magacaabayo Koox Weyn, Kimmich Oo Ka Tegaya Bayern Munich Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Tababarihii hore ee Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa ka mid noqday liiska tababareyaasha ay doonayso Bayern Munich inay ku beddesho Thomas Tuchel. Ole Gunnar Solskjaer oo ahaa ciyaartoygii ka dhaliyey Munich goolka barbarraha finalkii Champions League ee 1999kii oo ay Man United waqti dambe soo laabatay, ayaa la sheegay in si ku-meelgaadh ah loogu dhiibi doono Bavaria. (Sky Germany)

Bayern Munich waxa ay dookheeda ugu fiican ee tababarenimo u aragtaa Xabi Alonso oo ah tababaraha Bayer Leverkusen, laakiin waxay loollan kala kulmayaan Liverpool oo iyaduna doonaysa. (Athletic)

Tababarihii hore ee Birmingham, Hull City iyo Aston Villa ee Steve Bruce ayaa doonaya inuu noqdo tababaraha xulka qaranka Koonfur Korea kaddib markii usbuucii hore ay shaqada ka eryeen Jurgen Klinsmann. (Mirror)

Manchester United ayaa xiisaynaysa 18 jirka Bayern Munich iyo xulka France afka hore uga ciyaara ee Mathys Tel. (90 min)

Manchester United waxay doonaysaa difaaca kooxda AC Milan ee Tijjani Reijnders oo ah 25 jir u dhashay waddanka Netherlands. (Football Transfers)

Chelsea waxay indhaha ku haysaa weeraryahanka Bologna iyo xulka Netherlands ee Joshua Zirkzee oo ah 22 jir ay sidoo kale raadinayaan naadiyada Arsenal, Manchester United iyo Barcelona. (Teamtalk(

Khadka dhexe ee reer Germany ee Joshu Kimmich oo 29 jir ah, ayaa go’aansaday inuu ka tago Bayern Munich dhamaadka xilli-ciyaareedkan, sababtoo ah waxay isku dhaceen tababare Thomas Tuchel oo uu xidhiidhkoodu go’ay. (Bild)

Aston Villa lama filayo inay rasmi ka dhigto heshiiska Nicolo Zaniolo oo ay amaah kaga soo qaadatay Galatasaray. 24 jirkan reer Talyaani ayaa isaguna doonaya inuu dib ugu laabto horyaalka Serie A. (Calciomercato)

Arsenal waxay ka fiirsanaysaa inay u dhaqaaqdo saxeexa weeraryahanka reer England ee Ollie Watkins oo u dheela Aston Villa. (Fichajes)

Tababare ku-xigeenka Manchester United ee Eric Ramsey ayaa loo magacaabayaa macallinka kooxda horyaalka Maraykanka ee Minnesota United. (Athletic).

1 Comment

  1. Asc wll waxaan ahay dhalin yarad ku xidhan website kan , waan website runtii cajiib ah update kiisu badan yahay ,wararka ciyaaraha. waxaan ubaahanahay inaan suaal ku waydiiyo

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*