DEG-DEG: Koox Weyn Oo Shaqada Ka Caydhisay Tababaraheeda


Kooxda kubadda cagta Napoli ayaa qaadatay go’aan adag, waxaanay shaqada ka eriday tababaraheedii Walter Mazzarri 48 saacadood ka hor ciyaarta adag ee Barcelona ee lugta hore ee wareegga 16ka Champions League.

Napoli ayaa shaacisay in tababare Walter Mazzarri oo xilkan loo magacaabay saddex bilood ka hor ay shaqada ka caydhiyeen, kaddib natiijooyin aan wanaagsanayn oo ay kooxdu ka keentay garoomada, iyagoo kaalinta sagaalaad kaga jira horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A ee ay xilli-ciyaareedkii hore ku guuleysteen.

Mazzarri ayaa bishii November waxa uu beddelay Rudi Garcia oo sidan oo kale natiijooyin xun uga keenay garoomada, waxaana si ku-meelgaadh ah ay Napoli u magacowday Francesco Calzona oo u dhashay waddanka Slovakia oo illaa bisha June maamuli doona kooxda.

Calzona ayaa la sheegay in ay Napoli heshiis la gaadhay oo goordhow si rasmi ah lagu dhawaaqi doono magacaabistiisa, iyadoo uu Madaxweyne Aurelio De Laurentiis ku jiro saacado mashquul badan.

Ciyaarta koowaad ee uu Calzona hoggaamin doono ayaa noqon doonta kulanka Barcelona ee Arbacada, waxaana gacan-yare u noqon doona Simone Bonomi oo ay hore tababare iyo ku-xigeen iskugu soo ahaayeen kooxda EmpoliĀ  horyaalka Talyaaniga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*