RASMI: Premier League Oo Abaal-marintii Koowaad Ee Sannadka 2024 Siiyey Jurgen Klopp


Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ku guuleystay macallinkii bisha January ee horyaalka Premier League, kaddib bandhig fiican oo ay kooxdiisu ka samaysay horyaalka bishii tagtay.

Jurgen Klopp ayaa abaal-marinta ku mutaystay saddex ciyaarood oo ay kooxdiisu dheeshay bishii January oo dhamaantood ay guuleysatay, waxaanay garaaceen Newcastle United, Bournemouth iyo Chelsea, halka ay dhaliyeen afar gool taas oo keentay inay kusii negaadaan hoggaanka horyaalka, iyadoo horraanta bishan February ay Arsenal ka adkaatay.

Waa markii tobnaad eetababare Jurgen Klopp uu ku guuleysto abaal-marinta tababaraha bisha ee horyaalka Premier League, laakiin waxa ugu dambaysay inuu abaal-marintan qaato bishii May, 2021.

Waa uu guusha maanta ku barbarreeyey David Moyes, balse ka sarreeya oo kaga badan abaal-marintan saddex tababare oo kala ah Pep Guardiola oo 11 jeer ku guuleystay, Arsene Wenger oo 15 jeer qaatay abaal-marinta iyo Sir Alex Ferguson oo 27 jeer ku guuleystay abaal-marintan.

Jurgen Klopp oo sidoo kale u dabbaal-degay guushiisii 200aad ee Premier League bishii January, waxa uu noqonayaa tababarihii tobnaad ee abid gaadha darajadaas amaba 200 guulood, waxaana uu rikoodhkaas ku suurtogeliy1y 318 ciyaarood, waxaana kaliya ka kulamo yaraa Pep Guardiola oo 269 ciyaarood ku gaadhay 200 guulood oo horyaalka Premier League.

Sir Alex Ferguson waxa uu 200 guulood oo Premier League ah ku gaadhay 322 ciyaarood, Jose Mourinho ayay isagana ku qaadatay inuu tiradan gaadho 326 ciyaarood iyo Wenger oo isaguna 322 ciyaarood ku gaadhay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*