Ciyaaryahankii Ugu Horeeyay Ee Ka Falceliya Warka Kylian Mbappe & Falcelintiisa Oo Baraha Bulshada Qabsatay


Ciyaaryahankii ugu horeeyay ee caan ah ayaa falcelin ka sameeyay go’aanka Kylian Mbappe uu kaga tagayo PSG isagoo xor ah marka uu qandaraaskiisa dhamaado xagaagan.

Mustaqbalka Mbappe ayaa si weyn loo hadal hayay xilli ciyaareedkan oo dhan, waxayna haatan wax walba tilmaamayaan inuu u wareegayo kooxda Real Madrid oo muddo dheer ku raad joogtay.

Haatan xiddiga Real Madrid iyo xulka France Aurelien Tchouameni, ayaa ka falceliyay warka ku saabsan in Mbappe uu ku wargeliyay PSG inuu baxayo xagaagan, waxayna falcelintiisa qabsatay baraha bulshada.

Wuxuu shabakada bulshada ee X oo loo aqoon jiray Twitter soo dhigay labo salool ama daango markii uu soo baxay warka Mbappe ee xaqiijinayay inuu ka tagayo PSG.

Saloolka ama daangada waxaa baraha bulshada loo isticmaalo marka sheeko xiiso badan ay dhacdo ama marka wax aad sugeysay ay dhacaan.

Waxay taasi keentay in taageerayaasha ay ku fekeraan inay hubaal tahay in Mbappe uu ku biirayo Real Madrid.

Taageere ayaa soo qoray: “Tani ayaa wax walba xaqiijineysa.”

Mid kale ayaa yiri: “Wakiil Tchouameni shaqadiisa wuu qabsaday.”

Mid seddexaad ayaa ku raacay oo soo qoray: “wakiil Tchouameni, ina keena.”

Mid kale ayaa yiri: “Mbappe oo Real Madrid aaday waa la xaqiijiyay.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*