DEG-DEG: Real Madrid Oo Heshay Xiddig Ay Muddo Raadinayeen – Mana Aha Kylian Mbappe


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa heshiis la gaadhay Bayern Munich oo ay isla meel-dhigeen iibka laacib ay Los Blancos muddo ku raad-joogtay, kaas oo hadda ay kaliya hadhsan yihiin waxyaabo yaryar oo xaal-xaal ah iyo xiddig ay muddo ku raad-joogtay oo xagaaga soo socda kusoo biiri doona xiddigaha ku sugan garoonka Santiago Bernabeu, kaas oo aanay wali qiimihiisa la meel-dhigin kooxda reer Germany.

Real Madrid ayaa lala xidhiidhinayaa dhawr ciyaartoy oo ay ku jiraan Kylian Mbappe iyo Leny Yoro oo ay isku xoojin doonaan xagaaga, waxaana sidoo kale muddo dheer kooxdan ku sidkanaa difaaca bidix ee reer Canada ee Alphonso Davies oo la sheegay in hadda ay heshiis la gaadhay Real Madrid.

Wariyaha ciyaaraha ee Alfredo Matilla ayaa sheegay in Real Madrid iyo Bayern Munich ay heshiis buuxa ka gaadheen iibka Alphonso Davies oo uu laacibkani xagaaga ka degi doono Santiago Bernabeu.

23 jirkan ayuu wariyuhu sheegay in Bayern Munich ay go’aansatay inay ka iibiso Real Madrid kaddib markii uu diiday inuu u saxeexo qandaraas cusub, iyadoo heshiiskiisa horena ay ka hadhsan yihiin 16 bilood oo kaliya, waxaanay ka baqayaan in uu si xor ah uga tago sannad kaddib.

Los Blancos iyo Bayern Munich ayaa ka shaqaynaya dhamaystirka heshiiska iibka Alphonso Davies, laakiin Munich ayaa la rumaysan yahay in ay laacibkan ku xidhayso lacag ku dhow illaa €70 milyan oo Euro.

Heshiiska Davies ayaa waxa uu imanayaa iyadoo Real Madrid aanay wali go’aan ka gaadhin in ay qandaraaska u kordhiso Ferland Mendy oo xagaaga soo socda uu ku egyahay heshiiskiisu, kaas oo la rumaysan yahay in maamulka kooxdu ay kaga niyad jabeen dhaawacyadiisa tirada badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*