Waxa lasoo saaray ciyaartoyda ugu mushaharka badan horyaallada waaweyn ee kubadda cagta oo hadda lagu soo daray kuwa Sucuudiga iyo Maraykanka oo ay indhaha adduunyada kusoo jeediyeen Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.
Warbixin lasoo saaray, ayaa waxa ay soo bandhigtay shanta ciyaartoy ee ugu mushaharka badan horyaallada Yurub iyo kuwa hadda xiddigaha jiidanaya ee Sucuudiga iyo Maraykanka, waxaana ka dhax muuqda laacibiin badan oo aad qiyaasi karto, inkasta oo laga yaabo in magacyada qaarkood ay layaab kugu noqdaan.
Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa waxa figta sare fadhiya Kevin de Bruyne oo Manchester City ay siiso lacag dhan £400,000 Gini toddobaadkii, laakiin horyaalka waddanka Spain ayaa waxa layaab noqotay mushaharka uu Frenkie de Jong ka qaato Barcelona.
Laacibka reer Netherlands ayaa waxa uu qaybta ugu weyn ka yahay dhibaatada dhaqaale-xumada ee haysata kooxdiisa Barcelona, sababtoo ah waxa uu ku-dhowaad laba-jibbaar ka badan yahay ciyaartoyga kusoo xiga oo ah Toni Kroos oo ugu mushahar badan Real Madrid, iyadoo De Jong uu toddobaadkii ka qaato Barcelona lacag dhan £615,682 Gini.
Horyaallada Sucuudiga, Maraykanka iyo iyo Faransiiska ayaa sida aad qiyaasi karayso, waxa ugu mushahar badan Cristiano Ronaldo, Lionel Messi iyo Kylian Mbappe, halka horyaalka Bundesliga uu hoggaaminayo Harry Kane.
Horyaalka Talyaaniga ee Serie A, waxa aan shanta ugu sarraysa ku jirin xiddiga Inter Milan ee Lautaro Martinez, balse hadda rajaynaya in heshiis cusub oo kaabiga soo saaran uu ka dhigi doono ciyaartoyga ugu sarreeya.
Halkan kaga bogo ciyaartoyda ugu mushaharka badan horyaallada waaweyn
Premier League – Kevin De Bruyne (Manchester City) – £400,000-toddobaadkii
Xogta shanta ciyaartoy ee ugu mushaharka badan Premier League
Ciyaartoyga
Kooxda
Mushaharka usbuucii
Mushaharka sannadkii
Kevin De Bruyne
Manchester City
£400,000
£20,800,000
Erling Haaland
Manchester City
£375,000
£19,500,000
Mohamed Salah
Liverpool
£350,000
£19,500,000
Casemiro
Manchester United
£350,000
£19,500,000
Raphael Varane
Manchester United
£340,000
£17,680,000
La Liga – Frenkie De Jong (Barcelona) – £615,682-toddobaadkii
Xogta shanta ciyaartoy ee ugu mushaharka badan horyaalka LaLiga
Ciyaartoyga
Kooxda
Mushaharka usbuuca
Mushaharka Sannadkii
Frenkie De Jong
Barcelona
£615,682
£32,015,486
Robert Lewandowski
Barcelona
£444,605
£23,119,450
Toni Kroos
Real Madrid
£400,276
£20,814,335
David Alaba
Real Madrid
£369,409
£19,209,292
Luka Modric
Real Madrid
£359,230
£18,679,969
Bundesliga – Harry Kane (Bayern Munich) – £410,455-toddobaadkii
Xogta shanta ciyaartoy ee ugu mushaharka badan Bundesliga
Ciyaartoyga
Kooxda
Mushaharka usbuucii
Mushaharka sannadkii
Harry Kane
Bayern Munich
£410,455
£21,343,657
Manuel Neuer
Bayern Munich
£344,782
£17,928,672
Thomas Muller
Bayern Munich
£336,573
£17,501,799
Leroy Sane
Bayern Munich
£328,364
£17,074,926
Joshua Kimmich
Bayern Munich
£320,155
£16,648,053
Serie A – Dusan Vlahovic (Juventus) – £212,780-toddobaadkii
Xogta shanta ciyaartoy ee ugu mushaharka badan horyaalka Serie A
Be the first to comment