Ma Sidanaa U Dambaysay? Al-Ittihad Oo Bahdilaad Xun Ku Samaysay Karim Benzema


Karim Benzema ayay kasii dartay xaaladdiisa horyaalka waddanka Sucuudiga, waxaana go’aan adag ka qaadatay kooxdiisa Al-Ittihad kaddib markii ay isku dhaceen tababaraha oo uu garoonka tababarkaba uga tegay.

Benzema oo ka tegay Real Madrid xagaagii, ayaa ku biiray kooxda reer Sucuudi Carabiya ee Al-Ittihad oo ka dhigtay ciyaartoyga labaad ee ugu mushaharka badan adduunyada waxaana ka horreeya Cristiano Ronaldo oo kaliya.

Qorshihii laacibkan ee ahaa inuu lacag badan urursado, sidoo kalena uu goolal badan ka dhaliyo horyaalka Sucuudiga ayaan sidii uu filayey ugu dhaqan-gelin, waxaana 15 ciyaarood oo horyaalka ah oo uu saftay uu dhaliyey sagaal gool, iyaga oo horyaalkana kaga jira kaalinta shanaad oo 22 dhibcood ka dambeeya Al-Ahli oo hoggaanka haysa.

Xiddigan ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or sannadkii 2022, ayaa laga saaray liiska ciyaartoyda Al-Ittihad ee kulanka Asian Champions League ee wareegga 16ka ee ay waajahayaan kooxda reer Uzbekistan ee Navbahor Namangan habeenka Khamiistu soo gelayso.

Wargeyska L’Equipe ayaa xaqiijiyey in Karim Benzema aanu ku jirin liiska ciyaartoyda Al-Ittihad ee caawa, waxaase cudur-daar kale sameeyey wargeyska kasoo baxa Spain ee AS oo sheegay in sababta looga tegay ay tahay liiska ciyaartoyda ajaanibka ah ee laga ogol yahay tartanka Asian Champions League oo koox walba ah shan ciyaartoy oo kaliya.

Tababare Gallardo oo tuuray Karim Benzema ayaa waxa ciyaartoyda uu xushay ee liiskiisa uu ku darsaday waxa ka mid ah Hegazy, N’Golo Kanté, Fabinho, Romarinho iyo Abderrazak Hamdallah oo ah shanta ciyaartoy ee ajaanibka ah ee liiska lagu daray.

Bishii hore ayaa Benzema uu isku dayey inuu ka tago Al-Ittihad oo ay amaah ku bixiso, waxaana shaki weyn la gelinayaa in 38 jirkani uu awoodi doono inuu dhamaysto qandaraaskiisa kooxda reer Saudi Arabia oo soconaya illaa sannadka 2026.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*