Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa la sheegay in loo magacaabayo koox weyn oo reer Yurub ah, mana aha naadiyadii hore loola xidhiidhinayey ee Chelsea iyo Barcelona oo uu kusoo baxay liiska macallimiinta ay indhaha ku hayaan xagaaga.
Jose Mourinho oo shaqo la’aan noqday bishii January oo ay AS Roma eriday ayaa waxa la sheegay in ay wada-hadallo u socdaan kooxda horyaalka waddanka Germany ee Bundesliga ee Bayern Munich oo doonaysa inay ku beddesho Thomas Tuchel.
Mourinho ayaa bilaabay inuu barto luuqadda Jarmalka, si ay isku fahmaan ciyaartoyda kasoo jeeda waddanka Germany ee aadka ugu badan Bayern Munich.
Bavaria ayaa waxa xalay 3-0 ku xasuuqday Bayer Leverkusen oo shan dhibcood kaga haysa hoggaanka horyaalka Bundesliga, waxaana maamulka kooxdu ay ku adkaysteen in aanay eryanin Tuchel inkasta oo hoggaanka laga hayo oo ay Leverkusen tahay kooxda ku cadcad inay ku guuleysato horyaalka.
Josip Stanisic oo Bayern Munich ay amaah kusiisay Bayer Leverkusen ayaa ka dhaliyey goolka koowaad, kaddibna labada difaaca ee dhinacyada ee Alex Grimaldo iyo Jeremie Frimpong ayaa keenay saddexda gool ee kale.
Sida uu qoray wargeyska Bild ee kasoo baxa waddanka Jarmalka, ayern Munich iyo Jose Mourinho ayaa wada-hadalkoodu uu yahay bilow, waxaanay maamulka kooxdaasi u arkaan inuu yahay macallin khibrad badan kasoo helay horyaallada uu hore ugu soo guuleystay ee Portugal, England, Italy iyo Spain oo uu iyagana guulo waaweyn ku hoggaamin doono.
Be the first to comment