Xabi Alonso ayaa dumiyey boqortooyadii Munich ee uu hore uga tirsanaan jiray, waxaana uu kusii dhowaanayaa inuu soo afjaro guulihii xidhiidhka ahaa ee ay Bayern ka keenaysay horyaalka Bundesliga oo ay muddo 11 sannadood oo xidhiidh ahaa si joogto ah u qaadanaysay.
Kooxda tababare Xabi Alonso ee Bayer Leverkusen ayaa 3-0 ku xasuuqday Bayern Munich, waxaanay hoggaanka kaga qabteen shan dhibcood oo nadiif ah, taas oo waqti horeba Bayer Leverkusen ka dhigaysa kooxda ugu dhow ku guuleysiga horyaalka Bundesliga.
Leverkusen oo aan illaa hadda dhinaceeda dhulka la dhigin oo aan xataa hal mar laga badinin xilli-ciyaareedkan oo dhan dhamaan kulamada tartamada kala duwan, ayaa waxa ay mar kale muujisay in aan la celin karaynin.
Daqiiqaddii 18aad ee bilowga ciyaarta ayuu Josip Stanišić hoggaanka u dhiibay kooxdiisa Bayer Leverkusen, laakiin waxa uu diiday inuu ku dabbaal-dego naadigiisa hore ee uu iskaga tegay markii ay fursadda siin waayeen.
Goolkan ayaa noqday aftaxa guusha Bayer Leverkusen iyo tababare Xabi Alonso oo aan isagu ka gabbanin inuu marba u dabbaal-dego goolasha kooxdiisa, isla markaana illoobay inuu ahaa ciyaartoy u halgami jiray sidii ay u guuleysan lahayd kooxda uu caawa murugadeeda ku farxayay.
Labada difaac ee dhinacyada ee Grimaldo iyo Jeremie Frimpong ayaa min hal gool oo kale u dhaliyey Bayern Munich, waxaanay ciyaarta ka dhigeen 3-0 ay guushu ku raacday Bayer Leverkusen, halka tababare Tuchel iyo xiddigaha kooxdiisa Bayern Munich ay niyad-jab garoonka ka bixi kari waayeen.
Guushan ayaa waxa ay siisay Bayer Leverkusen in ay hoggaanka ku qabato 55 dhibcood, halka Bayern Munich ay haysato 50 dhibcood oo ay kaalinta labaad ku jirto, iyadoo booska saddexaadna ay fadhido Stuttgart oo 40 dhibcood haysata, isla markaana Axadda dheeli doonta kulankeeda usbuucan.
Dhinaca kale, horyaalka waddanka Talyaaniga ayaa waxa guul weyn gaadhay kooxda hoggaanka haysa ee Inter Milan oo 4-2 kusoo garaacday AS Roma oo ay ku booqatay garoonka caasimadda Talyaaniga ka dhisan ee Olimpico.
Acerbi ayaa furay dhalinta goolasha oo Inter Milan hoggaanka u dhiibay, laakiin Roma ayaa laba gool ugu beddeshay markii ay Mancini iyo Shaarawi laba gool isku xigsiiyeen isla qaybta hore. Inter Milan ayaa dib ka dagaallantay oo ay is-raaciyeen Thuram, Bastoni iyo gool uu iska dhaliyey Angelino.
Guusha ay Inter Milan gaadhay ayaa ka dhigan in ay hoggaanka ku hayso 60 dhibcood, halka Juventus oo kaalinta labaad fadhidaana ay haysato 53 dhibcood.
Geesta kale, Newcastle United ayaa waxay 3-2 kaga adkaatay Nottingham Forest oo ay isla rafaadeen, halka Tottenham ay iyaduna guul soo laabasho ah ka gaadhay Brighton oo ay kaga badisay 2-1.
Be the first to comment