Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dib usoo ceshatay hoggaanka horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League oo ay saacado kooban kala wareegtay Man City, waxaana tababare Jurgen Klopp iyo xiddigihiisu ay booskooda dib ugu soo ceshadeen guul 3-1ah oo ay ka gaadheen Burnley oo marti ugu ahayd Anfield.
Saddex gool oo ay kala dhaliyeen Diogo Jota, Luis Diaz iyo Darwin Nunez ayaa guul muhiim ah siisay Liverpool oo ciyaarta ku bilaabatay iyadoo kaalinta labaad ku jirta oo hoggaanka ay kala wareegtay City oo waqti hore oo galabta ah soo garaacday Everton.
Liverpool oo lagu ciyaarayay garoonkeeda ayaa weerar joogo ah ku bilowday ciyaarta, laakiin Burnley oo khadka cas ku jirta ayaa muujisay in aanay waxba dhulka ka oollin oo ay guul ama geeri diyaar u yihiin.
Reds ayaa guusheeda uga mahad-celinaysa da’yarkeeda Harvey Elliott oo beddel kusoo galay qaybta labaad, halka Burnley ay canaananayso David Fofana oo ka lumiyey fursado dahabi ahaa oo uu waqti hore ku dili karayey ciyaarta isla markaana guusha ugu dhoweyn lahaa kooxdiisa.
Burnley ayaa ka nixiyey Liverpool bilowgii ciyaarta kaddib markii uu David Fofana kubbad ku toogtay goolka oo uu kasoo baxay Caoimhín Kelleher oo filayey in kubadda uu Fofana soo dhigi doono xerada ganaaxa, balse doortay inuu goolka toogto, taas oo faro-ciddidood uu kaga saaray.
Daqiiqaddii 31aad ayay Liverpool la timid goolka koowaad, waxaana koorne ay soo tuurteen madax ku qabtay Diogo Jota, halkaas oo ay Reds ku samaysay dabbaal-deg weyn.
Laakiin ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada ayay Burnley keentay gool uu madax ugu dhaliyey Dara O’Shea oo meel fog madax kaga soo dhuftay kubbad koorne ahayd taas oo si toos ah u gashay goolka Liverpool ee uu waardiyaha ka ahaa Caoimhín Kelleher.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayuu tababare Jurgen Klopp sameeyey beddel degdeg ahaa, waxaana uu soo raaciyey Harvey Elliott oo isbeddel dhab ah ku sameeyey ciyaarta, halka uu beddelay oo qaybta labaad aanu kusoo noqonin Alexander-Arnold oo la moodo in aanu wali kasoo kabannin dhaawacii haleelay, inkasta oo uu caawiyey goolka koowaad.
Kubbad uu dhinaca midig kala soo galay Harvey Elliott ayuu xerada ganaaxa kusoo tuuray, waxaana goolka ku leexiyey Luis Diaz oo isku tuuray kubadda, sidaasna hoggaanka ugu soo celiyey kooxdiisa.
Dhamaadka ciyaarta oo ay 11 daqiiqadood ka hadhsan tahay ayuu Harvey Elliott mar kale kubbad kasoo dhiibay dhinaca midig, waxaana uu madaxa u saaray Darwin Nunez oo ciyaarta ka dhigay 3-1.
Liverpool ayaa heshay fursad ay kusii badsan karaysay dhalinta goolasha, waxaana kubbad goolka la hortegay Darwin Nunez oo ku beegay goolhayaha, halka Jota iyo Alexis Mac Allister ay khasaariyeen fursado dahabi ahaa.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Liverpool ay kusoo laabatay hoggaanka horyaalka oo ay yeelatay 54 dhibcood, waxaanay laba dhibcood ka horreysaa Manchester City oo haysata 52 dhibcood laakiin ay ciyaar baaqi u tahay.
Be the first to comment