Saddexda kooxood ee Juventus, Inter Milan iyo AC Milan ayaa ku cadaadinaya maamulka horyaalka waddankaas ee Serie A in la yareeyo tirada kooxaha ka qayb-gelaysa horyaalka oo laga dhigo 18 naadi, halka ay hadda ka yihiin 20 kooxood.
Juventus, Inter iyo AC Milan oo ah saddexda kooxood ee ugu guulaha badan taariikhda Talyaaniga, ayaa taageeray hindise uu soo jeediyey madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga Gabriele Gravina, hase yeeshee inta badan kooxaha horyaalka Serie A ayaa kasoo horjeeda hindisahan.
Sky Sport Italiya ayaa ku warramaya in maamulaha kooxda Inter Milan ee Beppe Moratta oo lagu daray guddoomiyaha Juventus ee Maurizio Scanavino iyo agaasimaha kooxdaas ee Francesco Calvo ay la kulmeen Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga oo ay isku arkeen xarunta xidhiidhka, islana qaateen in 18 kooxood lagu soo koobo naadiyada horyaalka Serie A.
Madaxweynaha AC Milan ee Paolo Scaroni ayaa isaguna shirkaas kaga qayb-galay ‘Video Conference’, waxaanay dhinacyadu isla meel-dhigeen in hindisahan la keeno shirka aan caadiga ahayn ee xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga ee magaciisa loosoo gaabiyo FIGC ee 11ka bisha dambe ee March, kaas oo lagu gorfayn doono in isbeddel iyo dibu-qaabayn lagu sameeyo horyaalka.
Horyaalka waddanka Talyaaniga ayaa hore u ahaan jiray 18 kooxood, laakiin xilli-ciyaareedkii 2004-05 ayaa lagu daray laba kooxood oo laga dhigay 20, balse kooxahan waaweyn ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in la yareeyo tirada kooxaha, si loo dhimo kulamada badan ee ay kooxuhu ciyaarayaan.
Horyaallada Bundesliga ee Germany iyo Ligue 1 ee France ayaa ah min 18 kooxood, halka Premier League oo Ingiriiska ah iyo LaLiga oo Spain ah ay min 20 kooxood yihiin.
Be the first to comment