Harry Maguire Iyo Casemiro Oo Ka Mid Noqday Xiddigaha Manchester United Ee Diyaaradda U Qaatay Meel 21 Daqiiqadood U Jirta


Ciyaartoyda Manchester United ayaa galay safar diyaaradeed oo qaatay kaliya 21 daqiiqadood oo ay ugu tageen kooxda Newport Count ee ay maanta la ciyaarayaan wareegga afraad ee tartanka FA Cup, taas oo hadal hayn badan ka abuurtay gudaha waddanka Ingiriiska.

Manchester United ayaa awoodi karaysay in ciyaartoydeedu ay baabuur bas ah ku tagaan Koonfurta Wales ee ay ka dhisan tahay Newport County, waxaana basku uu socon lahaa kaliya saddex saacadood, balse waxa ay doorbideen inay diyaarad ku tagaan, halka safarro intan ka badan ay baskooda ku tagaan.

Ciyaartoyda Manchester United ayaa iska xaadiriyey garoonka diyaaradaha ee Manchester Airport, si ay duullimaadka 21ka daqiiqadood ah u galaan, waxaana xiddigaha kooxda ee taamka u noqday kulankan ee safarka xilliga hore isku diyaariyey ka mid ah difaaca reer England ee Harry Maguire oo aan garoomada lagu arag tan iyo intii ka dambaysay ciyaartii Bayern Munich ee bishii hore, halka Jonny Evans oo xanuunsanaya isla markaana shaki ku jiro taam ahaanshihiisu uu ka mid noqday ciyaartoyda safarka gashay.

Tiro ciyaartooyo muhiim ah ayaa Manchester United ka maqnaa toddobaadyadii ugu dambeeyey, laakiin waxa hadda ay dib usoo dhoweynayaan xiddigo muhiim ah iyadoo uu kusoo bilaaban doono Lisandro Martinez oo beddel kusoo galay ciyaartii Tottenham, halka Casemiro uu isaguna ka mid noqday ciyaartoyda safarka gashay iyo Luke Shaw oo maalmihii ugu dambeeyey tababarka si buuxda u samaynayay.

Manchester United ayaa sidoo kale rajaynaysa in uu taam u noqon doono Marcus Rashford oo Jimcihii sheegay inuu xanuunsanayo, kaddib markii uu labadii habeen ee ka horreeyey ku sugnaa baarar lagu tunto oo uu xataa tababarka kooxdiisa ku seegay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*