Atletico Madrid Oo Codsatay In La Beddelo Waqtiga Loo Qorsheeyey Kulanka Real Madrid


Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa dalbatay in isbeddel lagu sameeyo waqtiga ciyaarta Real Madrid ay safarka ugu tegayso, kaddib markii markii uu soo baxay isku-aadka semi-finalka tartanka Carabao Cup oo ay ku dhaceen Athletic Bilbao ooi ay maalinta Arbacada ee February 7 foodda is-dari doonaan.

Atletico Madrid ayaa waxay ka codsatay horyaalka LaLiga in hal maalin hore loosoo dhigo waqtiga kulanka ay martida u noqonayaan Real Madrid oo ay si adag ugu dagaallameen wareeggii 16ka oo ay waliba ka adkaadeen, iyagoo sidoo kalena ka badiyey ciyaartii koowaad ee horyaalka Laliga ee xilli-ciyaareedkan, balse ay Real Madrid garaacday Atletico tartanka Spanish Super Cup ka hor intii aanay finalkana koobka kaga qaadin Barcelona.

Xilli-ciyaareedkan 2023/24, waxa ay taageereyaashu helayaan afar kulan oo ‘Madrid Derby’ ah oo ay kooxaha isku magaalada ah ee Real Madrid iyo Atletico Madrid wada dheelayaan, waxaana saddex ka mid ah oo la ciyaaray laba jeer guuleysatay Atletico, halka Real Madrid ay mar kaliya guushu raacday.

Ciyaarta horyaalka LaLiga ee Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa loo go’aamiyey in la ciyaaro maalinta Axadda ah ee February 4, halka maalinta Arbacada ay Atletico la dheeli doonto Athletic Bilbao.

Tababare Diego Simeone ayay kooxdiisu doonaysaa in ciyaarta Real Madrid hore loogu soo raro maalinta Sabtida ee February 3, si ay u helaan waqti nasasho ka hor kulanka Bilbao, laakiin waxa kale oo culays ku ah Getafe oo ay maalinta Khamiista ee February 1, ay garoonkooda ku qaabbili doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*