Saxeexyadii La Dhamaystiray Maanta Iyo Caawa, Kuwa Gabogabada Maraya Iyo Wararkii U Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyda


Manchester United ayaa heli doonta fursad ay kula soo wareegto xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior, kaas oo ay kooxdiisa Real Madrid ka fiirsan doonto inay iibiso haddii ay helaan Kylian Mbappe xagaaga soo socda.

Shakhtar Donetsk waxay qarka u saaran tahay xiddiga reer Brazil ee Marlon Gomes oo ay kooxo badan oo reer Yurub ah doonayeen. Shakhtar ayaa 12 milyan oo Euro u shubi doonta kooxda reer Brazil ee Vasco da Gama.

RASMI: Eintracht Frankfurt waxay si rasmi ah ula soo wareegtay weeraryahanka 18 jirka ah ee Jean-Matteo Bahoya oo ay kasoo qaadatay kooxda reer France ee Angers. Frankfurt ayaa bixin doonta 8 milyan oo Euro, iyadoo uu da’yarkani saxeexay heshiis soconaya illaa sannadka 2029.

Weeraryahanka reer Fracne ee Kylian Mbappe ayaa ka fiirsanaya laba dalab oo miiskiisa u saaran oo uga yimid kooxdiisa Paris Saint-Germain iyo Real Madrid, laakiin wargeyska L’Equipe ayaa sheegaya in uu Mbappe u janjeedho dhinaca Real Madrid.

Atletico Madrid waxay isku diyaarinaysaa shaacinta heshiiska xiddiga reer Belgium ee Vermeeren oo lagu tilmaamo ‘Andres Iniesta cusub’. Vermeeren ayaa ku sugan magaalada Madrid oo uu maanta soo gaadhay.

Kaddib markii ay ku guul-darraysatay inay la saxeexato difaaca reer England ee Kieran Trippier oo ay Newcastle u diidday, Bayern Munich ayaa wali raadinaysa difaac ay ku xoojiso safkeeda. Warbaahinta Germany ayaa sheegay in Bayern Munich ay u dhowdahay inay la saxeexato Mukiele oo PSG ah. Waxa kale oo ay Bayern Munich ay doonaysaa Sacha Boey.

Chelsea waxa loo sheegay in ay qasab tahay inay bixiyaan 20 milyan oo Euro si ay ula saxeexdaan weeraryahanka Aston Villa ee Jhon Duran oo u dhashay waddanka Colombia, laakiin Unai Emery ayaa ku adkaysanaya inuu sii haysanayo laacibkan inta ka hadhay xilli-ciyaareedka.

RASMI: PSG ayaa la saxeexatay difaaca reer Brazil ee Gabriel Moscardo oo maanta ay saxaafadda usoo bandhigeen. Gabriel Moscardo ayaa u saxeexay PSG heshiis afar sannadood iyo badh ah, balse waxa uu illaa dhamaadak xilli-ciyaareedka lasii joogayaa kooxdiisa hadda ee Corinthians.

Kooxda horyaalka Spain ee Villarreal ayaan wali dalab rasmi ah ka gudbinin weeraryahanka reer Senegal ee Ismaila Sarr ee aadka loola xidhiidhinayo. Marseille ayaa la sheegay inay sugayso dalabka Villarreal oo ay qiimayn doonto, ka hor inta aanay go’aanka ka gaadhin iibka Ismaila Sarr, laakiin warar kale ayaa sheegaya in Marseille aanay iibin doonin Sarr iyo Pape Gueye bishan January.

Romelu Lukaku ayaa bixiyey qish ah inuu kusii jeedo horyaalka waddanka Sucuudiga, kaddib markii uu ammaan kula duldhacay horyaalka Sucuudiga oo uu sheegay inuu laba sannadood gudahood ku noqon doono mid ka mid ah horyaallada ugu wanaagsan adduunyada.

Liverpool waxa bishan January ka tegaya labada difaac ee Nat Phillips iyo Calvin Ramsay oo ay ku diri doonaan amaah, waxaana laga yaabaa in ay si rasmi ah u iibiyaan haddii ay ku helaan dalab macuul ah.

RASMI: Manchester City ayaa dhamaystirtay heshiiska xiddiga reer Argentina ee Claudio Echeverri oo lagu naanayso ‘Lionel Messi-ga cusub’. 18 jirkan oo u dheela River Plate ayaa u saxeexay heshiis soconaya illaa sannadka, waxaase uu amaah kusii joogi doonaa River Plate illaa dhamaadka xilli-ciyaareedka. Man City ayaa kasoo bixisay Echeverri lacag dhan £12.5 milyan oo Gini.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*