AKHRISO: Lacagta Kooxaha Premier League Kaga Baxday Xiddigo Dhaawacyo U Jiifa – Immisa Ayay Kooxdaasu Ku Bixisay?


Chelsea iyo Mancester United waxay bixiyeen ku-dhowaad  £50 milyan oo Gini oo mushaharooyin ay u siiyeen ciyaartooyo ka dhaawacan xilli-ciyaareedkan oo kaliya, waxaanay hoggaaminayaan liiska kooxaha Premier League ee sariirta ku biiliya ciyaartoyda ka dhaawacan.

The Blues iyo Red Devils ayaa waxa saamayn weyn ku yeeshay dhaawacyada oo xilli-ciyaareedkan min dersin ciyaartooyo ah dibedda ka dhigay, waxaana mar la isu-geeyo mushaharka labadan kooxood ay siiyeen ciyaartoydooda waqtiyadii ay dhaawaca u jiifeen ay gaadhay £50 milyan oo Gini.

Daraasad laga sameeyey koox kasta oo Premier League xilli-ciyaareedkan iyo mushaharka ay siiyeen xiddigihii dhaawaca ka ahaa, waxa ay safka hore keentay Chelsea oo akownadooda ku shubaysay mushaharkooda 16 ciyaartoy oo ka dhaawacnaa, waxaana isugeynta lacagtoodu ay noqotay £28 milyan oo Gini.

Ciyaartoydan ayaa waxa marka la isku geeyo ay Chelsea ka maqnaayeen 1,400 maalmood, waxaana ka mid ahaa xiddigaha Blues sidan ula degay Christopher Nkunku, Reece James, Ben Chilwell iyo Fofana.

Manchester United ayaa waxay dhinaceeda mushahar kusiisay ciyaartooyo ka dhaawacnaa ku-dhowaad £20 milyan oo Gini, waxaana ciyaartoyda sariirta lagu biilinayay ka mid ahaa Lisandro Martinez, Casemiro, Rasmus Hojlund, Raphael Varane iyo Harry Maguire oo waqtiyo kala duwan dhaawacmay xilli-ciyaareedkan.

Kooxda horyaalka difaacanaysa ee Manchester City ayaa kaalinta saddexaad ku jirta oo ciyaartooyo ay kujiraan Kevin De Bruyne iyo Erling Haaland ku bixisay £15 milyan oo Gini, iyadoo De Bruyne uu muddo shan bilood ah fadhiga ku qaadanayay mushaharkiisa oo toddobaadkii ah £400,000 Gini iyo Haaland oo usbuucii u xaadira £375,000 Gini.

Tottenham ayaa afraad ah oo ciyaartoydeeda James Maddison, Micky van de Ven, Cristian Romero iyo kuwo kale ay xisaabaadkooda ugu shubtay lacag ka badan £11 milyan oo Gini iyagoo dhaawac ah oo guryahooda jooga, halka Newcastle, Arsenal iyo Aston Villa ay kusii xigaan.

Sawirkan ayaa sharraxaya lacagta ay koox walba oo Premier League ah mushaharka kusiisay ciyaartooyo ka dhaawac ahaa xilli-ciyaareedkan socda

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*