Xidhiidhka kubadda cagta Guinea ayaa ugu baaqay taageereyaasha xulkooda inay is-dejiyaan kaddib markii ay geeriyoodeen lix ka mid ah taageereyaasha xulka qarankooda oo u dabbaal-degayay guushii ay Jimcihii ka gaadheen Gambia.
Dhimashada lix qof ayaa la xaqiijiyey, sidoo kalena waxa dhaawacyo qaba tiro badan oo kale, iyadoo Guinea ay guul cidhiidhi ah oo 1-0 ah ka gaadhay Gambia, iyadoo ahayd ciyaartii labaad ee group-kooda.
Muuqaallo fool-xun oo laga argagaxayo ayaa laga arkay warbaahinta, kaddib markii ay caasimadda dalka Ginea ee Conakry ay iskugu soo baxeen dad badan oo wata mooto (dhug-dhuglay/moodho-boodho), kaddibna fagaareyaasha magaalada ay ka bilowdeen dabbaal-degyo waalli ahaa oo ay dadku u muuqanayeen inay miyir la’ yihiin.
Xidhiidhka kubadda cagta Ginea ayaa la hadlay taageereyaasha jibbaysan, waxaana uu u sheegay in ay is-dejiyaan oo ay si habboon oo aan khasaare ka imanin u dabbaal-degaan waqtiga uu xulkoodu guuleysto, waxaana uu sidoo kale shaaciyey in la qaadi doono tallaabooyin lagu xayirayo dabbaal-degyada.
Markii uu Aguibou Camara u dhaliyey Guinea goolka waqti ay ciyaarti sii dhamaanaysay, isla markaana xulka dalkaasi uu afar dhibcood yeeshay oo uu hoggaanka u qabtay Group C ayay waddooyinka Conakry camirmeen.
Ciyaarta ugu dambaysa ee Group C, waxa uu xulka Ginea la ciyaari doonaa Salaasada berri xulka difaacanaya koobka ee Senegal.
Be the first to comment