Bayern Munich Oo Garoonkeeda Lagu Garaacay Iyo Horyaalka Bundesliga Oo Waji Kale Yeeshay


Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa guul-darro xanuun kulul loogu xambaariyey hoygeeda Allianz Arena, waxaana saddex dhibcood ka qaadatay Werder Brement oo marti u ahayd, taas oo gool madi ah oo ay qaybtii labaad dhalisay libinta kula hoyatay.

Gool madi ah oo uu dhaliyey Mitchell Weiser ayaa guusha siiyey kooxda martida ee Bremen oo bandhig fiican samaysay, isla markaana difaaceedu awood u yeesheen inay xakameeyaan Harry Kane iyo xiddigaha kale ee Munich ee shabaqa saxiibka la ahaa.

Bayern Munich oo 66kii ciyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Bundesliga aan garoonkeeda Allianz Arena lagaga adkaanin, ayaa maanta rikoodhkaas laga jabiyey, waxaanay sidoo kale u ahayd ciyaartii afraad ee Bundesliga ee Harry Kane aanu wax goolal ah dhalinin isaga oo 13 ka mid ah 17kii kulan ee uu ciyaaray si joogto ah goolasha u dhalinayey.

Bremen oo qaybtii hore ay VAR ka diidday gool uu u dhaliyey Justin Ninmah oo lagu helay inuu qalad sameeyey, ayaa waxa ay gool aan muran lahayn heshay daqiiqaddii 59aad, markaas oo uu dhamaystiray kubbad uu goolhaye Manuel Neuer waxba ka qaban kari waayey.

Guul-darrada Bayern Munich ayaa ka dhigan inay ku jiraan labaad oo ay toddoba dhibcood ka dambeeyaan Bayer Leverkusen oo hoggaanka haysa, taas oo Sabtidii 3-2 kaga adkaatay RB Leipzig oo ay marti u ahayd.

Kooxda tababare Xabi Alonso ayaan illaa hadda laga badinin dhamaan tartamada, waana naadiga kaliya ee horyaallada waaweyn ee Yurub ee aan dinaceeda dhulka la dhigin.

Leverkusen ayaa waxa ay haysataa 48 dhibcood, halka Bayern Munich ay ka leedahay 41 dhibcood laakiin waxa Munich ay haysataa ciyaar baaqi ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*