Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa saaxiibkiisii hore ee Real Madrid ka joojiyey inuu tago Manchester United oo lala xidhiidhinayo, waxaana uu u sheegay inuu dhibaatooyin waaweyn kula kulmi doono Old Trafford haddii uu tago inta uu joogo Erik ten Hag.
Sida uu ku warramayo wariyaha ciyaaraha ee Javier Parra Pena, Manchester United ayaa doonaysa Karim Benzema oo ay isku dayayaan inay lix bilood oo amaah ah kaga soo qaataan Al-Ittihad oo uu lix bilood ka hor u wareegay.
Karim Benzema ayaa 24 ciyaarood oo uu u saftay AL-Ittihad waxa uu dhaliyey 15 gool, laakiin waxa uu dhibaatooyin kala kulmayaa guul-darrooyin xidhiidh ah oo ay kooxdiisu ku dhax-jirto, taas oo keentay in jamaahiirta kooxdiisu ay u bixiyaan ‘Ina-guul-darro’.
Benzema oo muddo 14 sannadood ah oo uu u ciyaaray Real Madrid u dhaliyey 354 gool, isla amrkaana kula guuleystay 25 koob oo ay ku jiraan saddex Champions League, ayaa waxa lala xidhiidhinayaa Manchester United suuqa iibka ciyaartoyda ee bishan January.
Laakiin warbaahinta Ingiriiska ayaa waxa ay sheegtay, in Cristiano Ronaldo uu si toos ah ula hadlay Benzema oo uu u sheegay in aanu isku tegin Manchester United inta uu joogo tababare Erik ten Hag oo uu u sheegay inuu dili doono qaab-ciyaareedkiisa.
Cristiano Ronaldo iyo Erik ten Hag ayaa hore iskugu dhacay xilli-ciyaareedkii hore, waxaanay taasi keentay in laacibka reer Portugal uu November 2022 burburiyo qandaraaskiisa Red Devils, isla markaana si xor ah ugu biiray kooxda Sucuudiga ee Al-Nassr.
Si kastaba ha ahaatee, Karim Benzema ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa kooxda kale ee horyaalka Premier League ee Chelsea.
Be the first to comment