Rafael Leao Oo Instagram Ku Jeex-Jeexay Mykhailo Mudryk Ka Dib Goolkiisii Xalay Ee Chelsea


Rafael Leao ayaa ku maadeystay Mykhailo Mudryk ka dib markii uu ugu danbeyn akoonkiisa goolasha u furay Chelsea xalay oo Isniin aheyd.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Ukraine ayaa ku dhibtooday noloshiisa cusub ee Chelsea ka dib markii uu Shakhtar Donetsk uga soo wareegay 88.5 milyan ginni bishii Janaayo.

Waxa uu sacab sarre joog ah ka helay taageerayaasha ka dib qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee kulankii Carabao Cup ee ay ka badiyeen Brighton, waxaana uu haatan sii raaciyay goolkiisii ugu horeysay kooxda ee uu ka dhaliyay Fulham.

Mudryk ayaa koontarolay baas uu ka helay Levi Colwill ka hor inta uusan dabamarinin goolhaye Bernd Leno. Waxaad arki kartay waxa ay u la micno tahay Mudryk goolka uu dhaliyay isagoo si weyn u la dabaaldegay asxaabtiisa.

Si kastaba, laacibka AC Milan Rafael Leao ayaa falcelin qariib ah ka bixiyay goolka Mudryk ka dib jawaab uu ugu qoray Instagram. Xiddiga reer Portugal oo lala xiriirinayay Chelsea ka hor inta uusan qandaraas cusub u saxiixin Rossoneri ayaa faalo ka bixiyay sawir uu Mudryk soo dhigay Instagram uu ugu dabaaldegayay goolkiisii ugu horeysay.

Leao oo isticmaalaya sawirka yar ee emoji-ga loo yaqaano ayaa soo dhigay seddex sawir oo muujinaya in suuqa saamiga uu hoos u dhacay mar haddii Mudryk uu ugu danbeyn shabaqa u soo taabtay Chelsea.

Dadka qaar ayaa marmarsiiyo u sameeyay xiddiga reer Portugal iyagoo sheegay inuu Leao isku qalday emoji-ga saamiga suuqa oo kor u kacaya iyo midka uu hoos u dhacayo.

Laakiin taageerayaasha intooda badan ayaa u qaatay in Rafael Leao uu aaminsan yahay inay lama filaan aheyd in Mudryk uu shabaqa soo taabto, mar haddii ay dhacdayna suuqii saamiga ee dhaqaalaha adduunka dhulka ayuu galay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*