DEG-DEG: Dhul-gariid Ka Dhacay Talyaaniga Saacado Ka Hor Kulanka Napoli vs Real Madrid – Maxaa Laga Yeelay Ciyaarta Caawa?


Saacado ka hor ciyaarta adag ee Champions League ee Real Madrid iyo Napoli, waxa magaalada Naples ee ay ka dhisan tahay kooxda Napoli ka dhca dhul-gariir, sida ay ay ku dhawaaqday dawladda Talyaanigu.

Waqti dambe oo xalay ah ayaa waxa gobolka Campi Flegrei ruxay dhul-gariir taxane ahaa oo meelo kala duwan oo dalka Talyaaniga ah ka dhacayay maalmihii ugu dambeeyey.

Cabbirka dhul-gariirakn ayaa lagu qiyaasay 4.0, ayaa waxa uu bilaabmay markii ay saacaddu ahayd 1dii habeennimo ee saqdii dhexe ee xalay, waxaanay uu argagax ku abuurmay dadka ku nool magaalada Napoles oo sidoo kale ay xalay u hoydeen ciyaartoyda Real Madrid.

Dadka ayaa la sheegay in ay orod kaga soo deeen hotelada iyo dhismeyaasha oo ay dariiqyada usoo wada baxeen, si ay uga badbaadaan in khasaare nafeed kasoo gaadho haddii ay guryuhu dumaan.

Machadka Qaranka ee Juquraafiga iyo Fulkaanooyinka Talyaaniga ee (INGV) ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay, in dhul-gariirku ku dhacay labada magaalo ee Naples iyo Pozzuoli oo masaafo yar isku jira, isla markaana meelaha qaarkood siiba buuraha magaalooyinkaas u dhow lagu arkayo fulkaano maalmihii ugu dambeeyey ka holacaysay.

Toddobaadkii hore ayaa dhul-gariir cabbirkiisu ahaa 4.2 uu ka dhacay gobolka Campi Flegrei, waxaana uu noqday dhul-gariirkii ugu xooganaa ee lagu arko halkaas muddo ka badan 40 sannadood.

Ciyaarta caawa ee garoonka Diego Amando Maradona ee Napoli iyo Real Madrid oo u wada jira Group C ayaa uu khalkhal gelinayaa dhul-gariirkani, waxaana la sheegay in la qiimayn doono xaaladda ka hor inta aan go’aan laga gaadhin kulankan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*