DEG-DEG: Geeri Murgo Leh Oo Maanta Hadhaysay Dunida Kubadda Cagta


Baroor-diiq ayaa ka bilaabantay adduunyada, waxaana la xaqiijiyey in uu geeriyooday halyeygii  Brazil ee afarta jeer ku guuleystay Koobka Adduunka isaga oo ciyaartoy iyo tababare ah ee Mario Zagallo, kaas oo ku dhintay da’da 92 jir.

Mario Zagallo oo garabka uga ciyaari jiray xulka qaranka Brazil ayaa ka mid ahaa xiddigihii labada jeer ee xidhiidhka ah ku guuleystay Koobkii Adduunka 1958kii iyo 1962kii, waxaana uu kusoo bilowday labada ciyaaroodba.

Waxa uu sidoo kale tababare u ahaa xulka la isku raacsan yahay inuu ahaa kan ugu wanaagsan adduunyada ee ay ka midka ahaayeen Pele, Jairzinho iyo Carlos Alberto ee sannafdkii 1970kii ku guuleystay Koobka Adduunka. Waxa sidoo kale uu ahaa tababare ku-xigeenka xulka Brazil ee uu watay Carlos Alberto Parreira sannadkii 1994kii oo ay Talyaaniga rikoodheyaal ku garaaceen.

Waxa uu dib ugu soo laabtay tababarenimada buuxda ee xulka qarankiisa Brazil sannadkii 1998kii oo uu u hoggaamiyey Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Faransiiska, halkaas oo finalkii lagu garaacay 3-0 iyadoo Zinedine Zidane uu ka dhaliyey laba gool oo madax ahaa.

Mario Zagallo ayaa waxa uu sidoo kale noqday qofkii ugu horreeyey ee isaga oo ciyaartoy iyo tababare ah ku guuleystay Koobka Adduunka, balse waxa markii dambe barbarreeyey halyeygii Germany ee Fraz Beckenbauer iyo Didier Deschamps oo ah tababaraha hadda ee xulka qaranka France.

Xidhiidhka kubadda cagta Brazil, halyeeyadii dalkaas iyo ciyaartoyda hadda ayaa tacsi u diray qoyska Mario Zagallo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*