Liverpool iyo Real Madrid ayaa ku tartamaya weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe, waxaanay mid walba la xidhiidhaysaa laacibkan bisha January. 25 jirkan Faransiiska ah ayaa xor u ah inuu la xaajoodo kooxda uu doono oo uu heshiis hordhac ah lasii galo bishan January. (Le Parisian)
Paris Saint-Germain ayaa hoggaanka u qabatay tartanka loogu jiro xiddiga khadka dhexe ee Kalphin Phillips oo 27 jir ah oo Manchester City ka tegaya bishan. (Telegraph)
Jurgen Klopp ayaa isku dayaya inuu Tottenham uga hormaro saxeexa weeraryahanka reer South Korea ee Hwang Hee-Chan ee u ciyaara Wolves. (Football Insider)
Manchester City waxay ku raad-joogtaa difaaca 18 jirka ah ee Leny Yoro oo u ciyaara naadiga reer France ee Lille, balse waxa lagu xidhay inay bixiso £78 milyan oo Gini. (Le 10 Sport)
Garabka weerarka Morocco ee Hakim Ziyech oo 30 jir ah, ayaa kusoo laaban karaya Chelsea bishan sababtoo ah Galatasaray oo uu amaah ku joogo ayaa ka fiirsanaysa inay burburiso qandaraaskiisa. (NTV Spor)
Liverpool waxay isku dayi doontaa inay la saxeexato khadka dhexe ee kooxda Geanoa iyo xulka Denmark ee Morten Frendrup oo 22 jir ah, laakiin lama filayo in ay saxeexiisa dhamaystiraan bishan January. (Liverpool Echo)
Newcastle waxay doonaysaa difaaca Chelsea ee Andrey Santos oo 19 jir ah, una dhashay waddanka Brazil, kaas oo la filayo in Nottingham Forest ay burburiso heshiiska amaahda ah ee ay kula wareegtay xagaagii. (Foobtlal 364)
Chelsea waxay bilowday hannaanka saxeexa 24 jirka kooxda Nice iyo xulka France ee Jean-Clair Todibo oo ay sidoo kale doonayaan Manchester United iyo Tottenham. (Teamtalk)
Be the first to comment