Kubbad-sameeyaha Barcelona ee Frenkie de Jong ayaa mar kale albaabada ka xidhay kooxda horyaalka Premier League ee Manchester United oo dhawrkii suuq ee ugu dambeeyey ku jiray liiska xiddigaha laga doonayo Old Trafford, waxaanu ku adkaystay inuu la nool yahay ‘kooxdii uu ku riyoon jiray.’.
Manchester United ayaa muddo ku raad-joogtay Frenkie de Jong, waxaana isku-daygii ugu weynaa ay sameeyeen xagaagii 2022 markii uu Erik ten Hag la wareegay naadiga, hase yeeshee markii uu diiday ayaa ay u leexdeen Casemiro.
Red Devils ayaa wali ka liigaysa khadka dhexe, waxaana aan liiska xiddigaha ay doonayaan ka bixin Frenkie de JongĀ oo la sheegay inay mar kale isku dayi doonaan, hase yeeshee 26 jirkan oo saxaafadda la hadlay ayaa meesha ka saaray inuu tegayo Old Trafford.
Wargeyska NOS ee laga leeyahay waddanka Netherlands ayuu u warramay Frenkie de Jong, waxaanu yidhi: “Waxa aan joogaa kooxdii aan mar walba doonayay inaan u ciyaaro, waa halkii aan ku riyoon jiray.
“Marka aad ciyaartoy tahay, waxa mar walba aad doonaysaa in aad koobab waaweyn ku guuleysato, aniguna wali kulama guuleysanin Barcelona, balse waxa aan doonayaa in aan koobab waaweyn (Champions League) la qaado.
“Wali waxa aanu samayn karaynaa horumar, aniguna waqti ayaan haystaa laakiin waxa aan jecelahay in aanu sida ugu dhakhsaha badan guulo u gaadhno.”
Mar la weydiiyey inuu la socdo xiisaha Manchester United waxa uu ku jawaabay: “Waan la socdaa, laakiin anigu waxa aan ku qanacsanahay Barcelona. Mar walba way adag tahay in aan ka hadlo, anigu halkan ayaan ku dareemayaa fiicnaan.”
Be the first to comment