Real Madrid Oo Warbixin Naxdinleh Kasoo Saartay Dhaawaca David Alaba


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa warbixin naxdin leh kasoo saartay dhaawac xalay soo gaadhay difaaceeda dhexe ee David Alaba oo garoonka laga saaray qaybta hore ee ciyaartii ay 4-1 ku xasuuqeen Villarreal.

David Alaba ayaa waxa garoonka uu ka baxay iyadoo ay garbaha hayaan dhakhaatiirtu oo uu dhulka dhigi kari la’yahay lugta bidix, waxaana isla markiiba loola cararay cusbitaalka oo lagu xaqiijiyey in uu jabay jilibku, isla markaana uu geli doono qalliin degdeg ah.

Maalmaha soo socda ayaa qalliinka lagu samayn doonaa David Alaba, waxaana la xaqiijiyey in ay uga dhamaatay xilli-ciyaareedkan oo uu ka maqnaan doono kooxdiisa illaa laga gaadhayo xagaaga, waxaana suurtogal ah in xataa uu seego qaybta hore ee xilli-ciyaareedka dambe.

Warbixin ay xalay soo saartay Real Madrid ayay ku sheegtay, in lafaha dhinacyada ka haya wiilka jilibka ee wareegga ah uu ku yimid jabniin, waana isla dhaawacii horraantii xilli-ciyaareedka soo gaadhay Thibaut Courtois iyo Eder Militao oo kale, kuwaas oo ka maqnaanaya xilli-ciyaareedka oo dhan.

Nooca dhaawaca David Alaba ayaa loo yaqaanaa ACL, waana ciyaartoygii saddexaad ee Real Madrid ee xilli-ciyaareedkna uu soo gaadho dhaawac noocan oo kale ah, taas oo ka dhigan in Nacho Fernandez iyo Antonio Rudiger ay yihiin labada difaac dhexe ee kaliya ee ay haysato Real Madrid.

Carlo Ancelotti ayaa xalay sheegay in ay kooxdiisu ka fiirsan doonto inay la saxeexato difaac dhexe xagaaga, si ay u helaan laacib buuxin kara boosaska Rudiger iyo Nacho haddii ay midkood waxyeello soo gaadho amaba uu ganaax ku dhaco.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*