Arsenal Oo Luminaysa Xiddig Muhiim Ah, Barca Oo Suuqa Dhigtay Lewandowski, Saxeexa Ay Real Qorshaynayso Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Chelsea ayaa doonaysa inay la saxeexato goolhayaha Arsenal iyo xulka England ee Aaron Ramsdale oo 25 jir ah, kaddib markii la xaqiijiyey in Robert Sanchez oo ah goolhayaha Blues uu muddo u jiifi doono dhaawac jilibka ah. (TalkSport)

Barcelona waxay doonaysaa inay iibiso Robert Lewandowski oo 35 jir ah xagaaga, waxaana lacagtiisa ay u isticmaali doontaa saxeexa khadka dhexe ee Brazil iyo Newcastle ee Bruno Guimaraes. (Football Transfers)

Real Madrid waxay ku raad-joogtaa Jobe Bellingham oo ay walaalo yihiin kubbad-sameeyaha England ee Jude Bellingham ee xagaagii ay Real Madrid kala soo wareegtay Borussia Dortmund. Jobe oo 18 jir ah ayaa waxa uu wacdaro ka dhigayaa kooxda heerka labaad ee Sunderland. (Sport)

West Ham waxay rajaynaysaa in ay iibin doonto kubbad-sameeyaha Spain ee Pablo Fornals oo 27 jir ah bisha January, si lacagtiisa ay ugu isticmaalaan laba difaac oo dhinacyada ah iyo weeraryahan dhexe. (90 min)

Tottenham waxay qorshaheeda ku darsatay difaaca Brazil iyo kooxda Benfica ee Morato oo 22 jir ah oo u dheela RB Leipzig, isla markaana bandhiggiisa ay la dhaceen ciyaartii ay iska hor yimaaddeen usbuucii hore ee Champions League. (Sun)

Chelsea ayaa Juventus, Inter Milan iyo Roma kula dagaallamaysa difaaca xulka Talyaaniga iyo kooxda Torino ee Alessandro Buongiorno oo ah 24 jir qiimihiisa lagu sheegay £34 milyan oo Gini. (Sun)

Khadka dhexe ee Maraykanka ee Brenden Aaronson oo ah 23 jir ah, ayay Leeds United dib uga soo ceshan doontaa Union Berlin oo ay amaah ugu dirtay, laakiin la siin waayey waqti ciyaareed. (Teamtalk)

Liverpool ayaa tartan kala kulmaysa Newcastle, AC Milan iyo Roma oo ku qabsaday difaaca reer Ecuador ee Piero Hincapie oo ah 21 jir u ciyaara Bayer Leverkusen oo qiimihiisa lagu sheegay £60 milyan oo Gini. (Bild)

Manchester United go’aan kama gaadhi doonto mustaqbalka tababare Erik ten Hag illaa inta Sir Jim Ratcliffe uu dhamaystirayo iibsiga saamiga kooxda oo uu la wareegayo 25%. Ten Hag ayaa sii joogi doona Old Trafford xataa haddii ay guul-darro culus kala kulmaan Liverpool Axadda. (Football Insider)

Luka Modric waxa uu ka tegi doonaa Real Madrid dhamaadka xilli-ciyaareedkan, sababtoo ah lama filayo in Los Blancos ay qandaraas cusub siiso 38 jirkan. (Sport)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*