DEG-DEG: Baadhitaankii Paul Pogba Oo Lasoo Gabogabeeyey Iyo Waayihiisii Ciyaareed Oo Soo Dhamaaday


Xeer Ilaalinta waddanka Talyaaniga ayaa soo gabogabaysay baadhitaanno ay ku hayeen xiddiga reer France ee Paul Pogba oo bishii August ku dhacay tijaabada caafimaadka ee ka badqabka isticmaalka maandooriyeyaasha kordhiya awoodda ciyaarta, waxaana xilligaas lagu helay in laacibkan uu isticmaalay daawooyinka mamnuuca ah ee awoodda siiya ragga.

Baadhitaanka maanta lasoo gabogabeeyey, ayaa waxa ay xeer ilaalintu dalbatay in muddo afar sannadood ah ciyaaraha laga mamnuuco Paul Pogba, taas oo ka dhigan in uu soo dhamaanayo cimrigiisa ciyaareed.

Pogba ayaa ku dhacay baadhitaanno lagu sameeyey ciyaartoyda Juventus ka hor kulankii ay 3-0 Juventus kusoo garaacday Udinese bishii August, waxaana intii waqtigaas ka dambaysay uu Pogba ka xayirnaa garoomada.

FIFA iyo guddida ladagaallanka daawooyinka kordhiya awoodda ciyaartoyda ayaa go’aan ka gaadhi doona muddada sannadaha la ganaaxayo Paul Pogba, balse xeer ilaalinta Talyaaniga ayaa natiijada baadhitaanka waxa ay ku lifaaqeen codsi gundhig u noqon doona ganaaxa oo ah in afar sannadood aanu garoomada imanin.

30 jirkan oo ay hore ciyaartiisu hoos ugu dhacday ayaa ganaax afar sannadood ah oo la saaro waxa uu ku qasbi doonaa inuu ka fadhiisto ciyaaraha maadaama waqtiga uu ka dhamaado ganaaxu ay ku adkaan doonto inuu helo koox uu u ciyaaro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*