AFARTII Sababood Ee Liverpool & Arsenal Ku Diideen Inay La Saxeexdaan James Maddison Oo Lasoo Bandhigay


Kooxaha kubadda cagta Liverpool iyo Arsenal waxay iska diideen in ay xagaagii la saxeexdaan xiddiga reer England ee James Maddison oo qiime jaban ay ku heli lahaayeen, kaddib markii ay kooxdiisii Leicester City heerka labaad u dhacday, laakiin waxa fursaddaas ka faa’iidaysatay Tottenham.

James Maddison ayaa lagu tilmaamay saxeexii ugu wanaagsanaa ee ay sameeyeen kooxaha horyaalka Premier League xagaagii tegay, waxaana la isweydiinayaa sababata ay Liverpool iyo Arsenal ku diideen.

Halyeygii Liverpool ee Jamie Carragher ayaa soo bandhigay afar sababood oo dib u istaajiyey Liverpool iyo Arsenal oo ay ula saxeexan waayeen xiddiga reer England oo £40m milyan oo Gini ay Tottenham kusoo iibsatay, iyadoo loo xidhay lambarkii Harry Kane ee No.10, sidoo kalena noqday kabtanka labaad.

Laacibkan oo usbuucii hore soo burburiyey Arsenal oo ay barbarro 2-2 ah kooxdiisa Tottenham kula soo gashay Emirates Stadium, waxa maantana uu ka hor tegayaa Liverpool oo la eegi doono waxa uu ka sameeyo.

Carragher oo ka hadlayay sababta ay ula saxeexan waayeen kooxaha waaweyn ayaa yidhi: “Anigu waxa aan ka shakisanahay, in Guardiola, Klopp, Mikel Arteta iyo Mauricio Pochettino ay aad u fiiriyeen sida uu u dhaqaaqo James Maddison halkii ay ka eegi lahaayeen tayadiisa.

“Kooxahooda ugu wanaagsan, Guardiola iyo Klopp waxay inta badan mudnaanta siiyaan ciyaartoyda weerarka caawisa amaba khadka dhexe ee isasaara masuuliyadda badan ee la shaqeeya weerarka iyo difaaca.”

Carragher oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Sababta ay ula saxeexan waayeen waxay ila tahay, Maddon ma aha ciyaartoy orodkiisu dheereeyo, ma aha ciyaartoy kusoo baxa kulamada waaweyn ee cadaadiska badan uu jiro, kuma wanaagsana amaba si dabiici ah uma ciyaaro, orodkii loo baahnaana ma sameeyo marka uu ka dheelayo No.8, wax saamayn ahna kuma yeesho ciyaarta marka la geeyo arabka.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*