Masuuliyiin Liverpool Ah Oo U Duulay Waddanka Brazil & Xiddiga Ay Saxeexiisa Dhamaystirayaan


Masuuliyiin ka socota kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa u duulay waddanka Brazil, si ay usoo dhamaystiraan saxeexa difaaca dhexe ee Lucas Beraldo oo qiimihiisa lagu sheegay £20 milyan oo Gini.

Reds ayaa wada-xaajoodyo kula jirtay Sao Paulo oo ay ka doonaysay Lucas Beraldo oo ay da’diisu tahay 19 jir, waxaana toddobaadkii hore ay dhinacyadu horumar fiican ka sameeyeen wada-hadalkooda.

Jurgen Klopp ayaa doonaya inuu bisha January ciyaartooyo cusub oo firfircoonaysiiya kusoo kordhiyo safkiisa, waxaana uu calmaday Beraldo oo bandhig heersare ah ka samaynayay horyaalka Brazil xilli-ciyaareedkii tegay.

Beraldo oo lugta bidix ku ciyaara kubadda, ayaa kasoo baxay kulliyadda da’yarta Sao Paulo, waxaana uu muddooyinkii dambe si joogto ah ugu ciyaarayay kooxda koowaad.

Liverpool ayaa uuq roshaheedu yahay inay dedejiso heshiiska Beraldo si uu bilowga bisha January u yimaaddo Anfield, waxaana sidoo kale ay ka ordayaan naadiyo kale oo kula tartami doona haddii ay sugaan inta la gaadhayo bisha January.

Beraldo ma aha ciyaartoyga kaliya ee ay Liverpool doonayso inay la saxeexato bisha January, hase yeeshee waxa ay sidoo kale doonayaan xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Fluminense ee Andre Trindade oo toddobaadkii hore ka caawiyey naadigiisa in ay ku guuleysato Copa Libertadoes oo qaaradda Latin America ugu jira halka Champions League uu ugu jiro Yurub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*