“Bidaar Ayaan Yeelanayaa Marka Ay VAR…” – Mikel Arteta Oo Qiyaasay Waqtiga La Saxayo Qaladka VAR


Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Mikel Arteta ayaa rajo la’aan ka muujiyey in xal loo helo qaladaadka tirada badan ee ay samaynayso VAR, iyadoo xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiskuna uu ku samaynayo baadhitaano la xidhiidha hadallo uu ku duray garsoorka kulankii Sabtidi hore ay Newcastle 1-0 kaga badisay.

Arteta ayaa ka gadooday gool uu Newcastle waqti dambe u dhaliyey Anthony Gordon oo u muuqday in ay kubaddu garoonka ka baxday, mar kalena qalad lagu galay Gabriel Magalhaes, halka sidoo kale uu jiray shaki ahaa in uu offside jiray.

Lukas Brud oo ah agaasimaha sharci-sameeyeyaasha kubadda cagta ee IFAB, ayaa toddobaadkan sheegay in ay illaa toban sannadood qaadan doonto in la saxo qaladaadka VAR, laakiin Mikel Arteta ayaa hadalkaas kasoo horjeedsaday.

Tababaraha reer Spain oo la hadlayay warbaahinta ka hor ciyaarta Burnley ay maanta oo Sabti ah iska hor imanayaan ayaa yidhi: “Waxa laga yaabaa in aan bidaar yeelan doono marka la saxayo qaladaadka VAR. Waa suurtogal in aan bidaar yeesho tobankaa sannadood, noloshu aad ayay uga duwanaan doontaa sida hadda ay tahay, waxaana laga yaabaa in aynu yeelan doono sharciyo badan oo kale oo kusoo kordhi doona kubadda cagta.

“Sidaa daraadeed, waa in aynu isku dayno in aynu horumar ka samayno wax kasta oo karaankeena ah innaga oo dhinac walba ka eegayna dhibaatada jirta.”

Si kastaba ha ahaatee, Arsenal ayaa waxa maanta ka maqnaanaya siddeed ciyaartoy oo muhiim ah, sida Emile Smith Rowe, Thomas Partey iyo Jurrien Timber oo la hubo maqnaanshahooda, iyo Gabriel Jesus, Martin Odegaard, Eddie Nketiah, Bukayo Saka iyo Takehiro Tomiyasu oo uu shaki ku jiro.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*