Erik ten Hag ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda Manchester United ee kulanka Fulham ee martida ay ku noqonayaan Craven Cottage, kaas oo ay u baahan yihiin in ay guul ka keenaan, si ay iskaga fudaydiyaan cadaadiska badan ee saaran.
Red Devils oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey laga badiyey oo waliba min 3-0 lagu garaacay iyagoo jooga garoonkooda Old Trafford ayaa Sabtida si weyn indhaha loogu hayaa.
Liiska ciyaartoyda kulanka Fulham, waxa lagu soo daray xiddiga da’da yar ee Kobbie Mainoo oo markii ugu horreysay ka mid noqonaya naadiga, tan iyo ciyaartii saaxiibtinimo ee Real Madrid ee waddanka Maraykanka oo uu kasoo gaadhay dhaawac culus.
Kobbie Mainoo ayaa waxa uu geli doonaa booska uu muddada ka maqnaanayo Casemiro ee khadka dhexe, waxaana go’aanka ah in lagu daro liiska kooxda koowaad la gaadhay markii uu bandhig heersare ah ka sameeyey kooxda da’yarta oo uu u dheelay dhawr kulan toddobaadyadii ugu dambeeyey oo uu ku jiray soo-kabasho.
Ciyaartoyda Manchester United oo safar tareen ku baxay galabta ayaa waxa ciyaartoyda iska soo xaadiriyey maxadadda Stockport ee laga raaco tareennada ka mid ahaa Facundo Pellistri oo laga reebay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey kooxdiisa.
Victor Lindelof ayaan lagu arag maxadadda tareenka, waxaana uu tababare Erik ten Hag saxaafadda u sheegay in uu xanuunsanayo inkasta oo aanu si buuxda u xaqiijin in uu maqnaanayo iyo inuu mar dambe kooxda ka daba-tegi doono.
Waxa kale oo liiska ciyaartoyda Manchester United kusoo laabtay difaaca reer France ee Raphael Varane oo kasoo noqday xanuun uu ku seegay kulankii Newcastle United, halka Harry Maguire, Sofyan Amrabat iyo Rasmus Hojlund ay dhamaantood waqti hore baska raaceen oo ay iska xaadiriyeen goobta tareenka.
Waa kuwan liiska ciyaartoyda Manchester United ee u safartay London oo ay kula soo ciyaarayaan Fulham
Goolhayeyaal: Andre Onana, Atlay Bayindir, Tom Heaton.
Difaacyahanno: Aaron Wan-Bissaka, Diogo Dalot, Harry Maguire, Raphael Varane, Jonny Evans, Sergio Reguilon.
Khadka Dhexe: Sofyan Amrabat, Hannibal Mejbri, Kobbie Mainoo, Scott McTominay, Christian Eriksen, Mason Mount, Bruno Fernandes, Facundo Pellistri.
Weerarka: Alejandro Garnacho, Anthony Martial, Rasmus Hojlund, Marcus Rashford iyo Antony.
Be the first to comment