Jude Bellingham ayaa isku qoray buugaagta taariikhda ee horyaalka Spain ee LaLiga, kaddib labadii gool ee uu ka dhaliyey ciyaartii El Clasico ee ay Real Madrid guusha ka gaadhay Barcelona, taas oo keentay in uu gaadho rikoodh muddo 27 sannadood laga joogo uu dhigay halyeyga reer Brazil ee Ronaldo Nazario.
Xiddiga reer England ayaa ku jira bandhig cajiib ah, waxaana 13 ciyaarood oo uu u saftay Real Madrid uu u dhaliyey 13 gool iyo saddex kale oo uu caawiye ka noqday.
20 jirkan ayaa toban ka mid ah goolashiisu ay yihiin horyaalka Spain ee LaLiga iyo saddexda kale oo Champions League ah, waxaanay taasi keentay in uu soo qabto rikoodhkii Ronaldo ee xilli-ciyaareedkii 1996/97.
Ronaldo oo ay da’diisu ahayd 21 jir ayaa tobankii ciyaarood ee ugu horreeyey ee uu u saftay Barcelona waxa uu dhaliyey toban gool, iyadoo xilli-ciyaareedkaas uu guud ahaan Barcelona u dhaliyey 47 gool oo iyaduna noqotay rikoodh kale.
Bellingham ayaa isaguna raadkii Ronaldo oo kale haya, inkasta oo ay kala boos duwan yihiin oo uu xiddiga reer Brazil ahaa dhaliye dabiici ah oo lagu tilmaamo mid ka mid ah weeraryahannadii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta.
Isla sannadka uu Ronaldo wacdaraha ka dhigay Barcelona, waxa uu ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ee sannadkii 1997kii.
Be the first to comment