Koxoda kubadda cagta Manchester United ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalka tababare Erik ten Hag, kaddib guul-darradii 3-0 ahayd ee ay Man City ugu xambaarisay Old Trafford maalintii Axaddii.
Manchester United ayaa toban ciyaarood oo Premier League ah oo ay dheeshay waxa laga badiyey shan kulan iyagoo shanta kalena badiyey, waxaanay ka dhigan tahay in ay kaliya haystaan 15 dhibcood oo ay ka urursadeen shantii guulood ee ay heleen.
Culays badan ayaa saaran tababare Erik ten Hag oo xilli-ciyaareedkiisii labaad uu hadda u bilowday, waxaanay jamaahiirta kooxdu illoobeen in uu xilli-ciyaareedkii hore soo afjaray abaar dhinaca koobabka ah oo haysatay muddo shan sannadood ah, waxaanu u qaaday Carabao Cup.
Saddex guulood oo isku xigay oo ay ka gaadheen Brentford, Sheffield United iyo Copenhagen ayaa u muuqanayay in ay dib usoo noolaynayaan niyadda United ee hore u liidatay, laakiin Man City ayaa mar kale madaxooda hoos u celisay.
Sida uu qoray wargeyska Manchester Evening News ee xaruntiisu ay tahay Magaalada Manchester, kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa go’aan ku gaadhay in Erik ten Hag aan la saarin wax culays shaqsi ah oo uu sii wato shaqadiisa, isla markaana la siiyo fursad uu kusii hoggaamiyo naadiga.
Be the first to comment