AFARTII Dhacdo Ee Ciyaarta, LABADII Rikoodh, Laacibkii Barca Ee Fashilmay Iyo Qiimaynta Kulankii Barcelona vs Real Madrid


Real Madrid ayaa dib usoo ceshatay hoggaanka horyaalka LaLiga markii ay guul soo laabasho ah oo 2-1 ah ka gaadhay Barcelona oo ay ku booqatay garoonka ku-meelgaadhka ah ee Montjuïc Olympic Stadium.

Barcelona ayaa la hormartay gool uu u dhaliyey Ilkay Gundogan daqiiqaddii 6aad, markaas oo uu Aurelien Tchouameni kubbad uu dhinaca difaaca u celiyey uu sii qaatay xiddiga Belgium oo uu dhinaca midig ka dhigay goolhaye Kepa Arrizabalaga.

Laakiin xiddiga reer England ee Jude Bellingham ayaa laba gool u keenay Real Madrid daqiiqadihii 69aad iyo 90+1, isaga oo goolka koowaad ka dhaliyey meel fog oo uu bannaanka ka toogtay.

Guushan ayaa waxay Real Madrid siisay in ay hesho saddex dhibcood oo ay hoggaanka kala wareegto Girona oo ay farqiga goolasha kaga horreyso, waxaanay haystaan min 28 dhibcood, halka Barcelona ay 24 dhibcood leedahay.

Lixdii dhacdo ee ciyaarta

Daqiiqaddii 6aad: Ilkay Gundogan ayaa dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey ee El Clasico markii uu qabsaday kubbad uu Tchoaumeni dib ugu celiyey kubadda difaaciisa isaga oo joojinayey baas uu Ferran Torres dhiibay, balse Alaba oo aan filayn kubadda ayaa ka gaabiyey, waxaana ka hor qaatay Gundogan oo dhamaystiray.

Daqiiqaddii 68aad: Aurelien Tchouaemni ayaa kubbad meel fog ah ku toogtay goolka Barcelona iyadoo shan difaac ah uu u guuray Xavi Hernandez oo uu filayay in aan si fudud loo jabin karayn. Joao Cancelo oo difaaca midig dib ugu laabtay, sidoo kalena Ronald Araujo uu la waardiyeynayo Vinicius Jr, ayaa waxa uu Tchoaumeni halis geliyey goolkooda, iyadoo Ter Stegen oo badbaadiyey kubadda uu koorne u saaray.

Daqiiqaddii 68aad: Waa goolka gantaalka ah ee Jude Bellingham ee ciyaarta ka dhigay barbarraha ka hor inta aan la isla gaadhin waqtiga dheeraadka ah. Jude Bellingham ayaa masaafo 25 yard ah kubadda kaga toogtay goolka oo shabaqa ku hubsaday, sidaana ciyaarta kaga dhigay 1-1.

Daqiiqaddii 90+1: Jude Bellingham ayaa dhamaystiray goolka guusha ee Real Madrid, kaddib markii uu xerada ganaaxa ka helay kubbad uu soo taabtay Luka Modric oo uu markii hore dhinaca midig kasoo qaaday Dani Carvajal.

Xogtii laga diiwaangeliyey ciyaarta

56% waxa qaybtii hore ciyaarta maamulanaysay Barcelona oo ahayd naadiga kubadda ku badnaa, balse qaybtii labaad markii uu Carlo Ancelotti sameeyey isbeddellada ayay wax isbeddeleen.

Guusha Real Madrid ay ka gaadhay caawa Barcelona, waxay ahayd libintii 103aad ee El Clasico ee ay Real Madrid gaadho, halka Barcelona ay 100 jeer ka badisay Real Madrid.

Ciyaartoygii Barcelona ee ceeboobay

Goolhayaha reer Germany ee Ter Stegan ayaa noqday ciyaartoygii ugu liitay xiddigihii ugu soo bilowday Barcelona, laakiin haddii si guud loo eego laacibka ugu liitay isugeyn ciyaartoyda labada kooxood waxa uu ahaa da’yarka Brazil ee Rodrygo Goes oo qiimayntii ugu liidatay helay.

Ter Stegen waxa laga dhaliyey gool meel fog laga toogtay oo uu badbaadin karayay balse aanu meel munaasib ah taagnayn, sidoo kalena waxa goolka labaad oo loola yimid ay kubaddu ka dhax-baxday lguihiisa.

Xiddigii garoonka

Jude Bellingham ayaa noqday xiddigii ugu fiicnaa garoonka iyadoo uu dhaliyey laba gool, xilli ay kooxdiisu sii quusanaysay. Qiimaynta garoonka ayuu ka helay darajada 9, mana jirin ciyaartoy kale oo kusoo dhowaa, haddii laga tegi waayana Kepa oo badbaadin badan sameeyey ayaa hal-buundo ka hooseeyey.

Qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood

Barcelona: Ter Stegen 5, Araujo 6, Christensen 7, Martinez 6, Balde 7, Gavi 8, Gundogan 7, Lopez 7, Cancelo 6, Torres 7, Felix 7.

Beddelka: Lewandowski 6, Raphinha 6, Alonso, Romeu 5, Yamal 6

Real Madrid: Kepa 8, Carvajal 6, Rudiger 7, Alaba 6, Mendy 5, Tchouameni 7, Valverde 7, Bellingham 9, Kroos 6, Rodrygo 4, Vinicius 6.

Beddelka: Modric 7, Camavinga 6, Joselu 5, Vazquez 6

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*