Kooxda kubadda cagta Brentford ayaa guuldarro xanuun badan u xambaarisay Chelsea oo ay ku booqatay garoonka Stamford Bridge, waxaanay ku dishay 2-0 iyadoo ilbidhiqsiyadii ugu dambeeyeyna laga dhaliyey gool cidlo ahaa oo uu Sanchez iskaga yimid goolkiisa si uu iskugu dayo inuu goolka barbarraha.
Blues oo sare usoo kacaysay usbuucyadii tegay, ayaa waxa bahdilaad ku samaysay Brentford oo saddex dhibcood iyo laba gool oo nadiif ah kasoo qaadatay.
Laba gool oo qaybtii dambe ay dhalisay Brentford ayaa sabab u noqday in Bees ay soo gasho kaalinta tobnaad ee miiska kala-sarraynta Premier League, halka Chelsea ay u dhacday booska 11aad oo ay waliba hoos usii dhaafi doonto haddii ay badiyaan kooxaha kusoo xiga ee aanay farqiga badan ee dhibcuhu u dhaxaynin.
Difaac xumo dhinaca bidix ee Marc Cucurella uu joogay ka timid iyo difaaca dhexe oo hurday gaar ahaan Disisi ayaa waxabay in Chelsea laga dhaliyo gool aan la filaynin daqiiqaddii 58aad, markaas oo kubbad uu Bryan Mbeumo kasoo gaadhay dhinaca midig uu madax u saaray Ethan Pinnock oo madax awood badan ku dhamaystiray.
Saddex difaac oo daawanayay ayaa awoodi waayey in ay hor-joogsadaan Ethan Pinnock markii uu usoo socday kubadda, sidoo kalena goolhaye Sanchez ayaan wax fursad ah u helin in uu joojiyo kubaddaas.
Chelsea oo qaybtii hore bandhig fiican samaynaysay ayaan ka faa’iidaysanin fursadihii ay heshay, waxaana birta garaacay Noni Madueke oo u dhowaaday inuu hoggaanka u dhiibo bilowgii ciyaarta.
Goolhaye Sanchez oo ay fartu ku godan tahay ayaa fasaxay goolka labaad ee Brentford, kaddib markii uu daqiiqaddii ugu dambaysay isku dayay inuu ka qayb-galo koorne ay Chelsea soo tuuranaysay, waxaase markii kubadda ay iska saareen difaaca Brentford ay lugta u gashay Bryan Mbuemo oo ka boobay ciyaartoyda Chelsea, kaddibna u sii dhiibay Neal Maupay oo isaguna xerada ganaaxa Chelsea ugu dhiibay Mbeumo oo gool cidlo ah ku leexiyey kubadda.
Goolhaye Sanchez ayaa kubadda isku dayay inuu soo gaadho, laakiin waxa uu ku dhacay meel dhex isaga oo isku dayay inuu cidhiidhi ku sameeyo Neal Maupay, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 2-0 ay guushu ku raacday Brentford.
Be the first to comment