Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa soo saaray shaxda kooxda usbuuca saddexaad ee tartanka Champions, League, mana jiraan isbeddello waaweyn oo lama filaan ah sababtoo ah waxa guulo gaadhay kooxaha waaweyn ee Bayern Munich, Inter Milan, Real Madrid, Arsenal, Napoli, Manchester United, Barcelona, PSG iyo Manchester City.
Ka sokow guulaha kooxaha waaweyn, waxa jiray tiro ciyaartooyo lama filaan ahaa oo kulamadii toddobaadkan bandhig heersare ah ka sameeyey garoomada, waxaana ciyaartoyga ugu mudan ee ay tahay in la xuso uu yahay goolhayaha reer Cameroon ee Andre Onana oo canaan badan oo loo jeedinayay kaddib noqday laacibka badbaadiyey Red Devils waqtigii dhamaadka oo uu rikoodhe ka qabtay FC Copenhagen.
Andre Onana ayaa noqday goolhayihii ugu fiicnaa kulamada saddexaad ee wareegga group-yada Champions League, waxaana ka sokow rikoodhaha uu badbaadiyey uu sidoo kale qabtay kubbado badan oo halis ahaa.
Difaaca, saddex ciyaartoy ayay UEFA usoo xushay, waxaana ku jira Harry Maguire oo dhaliyey goolka madiga ah ee Manchester United ay ku heshay guusha kulankii FC Copenhage, halka David Raum oo RB Leipzig ah oo waliba gool dhaliyey iyo Nico Schlotterbeck oo Borussia Dortmund bandhig fiican uga keenay ciyaartii ay Newcastle 1-0 kaga badiyeen xalay ay iyaguna soo galeen liiska. Labadan difaac ee dambe ayaa u dhashay waddanka Germany.
Khadka dhexe waxa doorkan isku muujiyey ciyaartooyo da’yar ah, waxaana kooxda usbuuca kusoo baxay Fermin Lopez oo Barcelona ah, Warren Zaire-Emery oo PSG ka tirsan iyo Xavi Sions oo RB Leipzig u dheela, waxaana afreeya khabiirak reer Turkey ee Hakan Calhanoglu oo Inter Milan u dheela. Afartooduba goolal ayay u dhaliyeen kooxahooda, waxaanay ku guuleysteen abaal-marinta xiddigii garoonka ee kulamadooda.
UEFA ayaa waxa ay sidoo kale soo xushay saddex weeraryahan oo kala ah Evanilson oo FC Porto u dhaliyey saddex gool kulankii ay karbaasheen Antwerp, Santiago Gimenez oo Feyenoord laba gool u saxeexay ciyaartii ay ku tunteen Lazio iyo weeraryahanka Arsenal ee Gabriel Jesus oo gool qurux badan ka dhaliyey Sevilla, sidoo kaleba qayb weyn ku lahaa gool uu dhaliyey Gabriel Martinelli.
Waatan shaxda kooxdii usbuuca ee Champions League
Be the first to comment