DEG-DEG: Taageereyaasha Manchester United Oo Murugo Ku Seexanaya Caawa – Maxaa Helay Kooxdooda?


Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa iyagoo cadho iyo murugo isku raacday seexanaya caawa, kaddib markii lagu wargeliyey jadwal niyad-jab ku abuuray oo maalin Sabti ah lagu beegay waqti adag oo ay neceb yihiin.

Manchester United oo Sabtida berri la ciyaari doonta Sheffield United oo waliba waqti dambe ay ciyaartoodu soo dhacayso xilli ay roobab mahiigaan ah da’ayaan oo daadad ka socdaan dalka, ayaa waxa haddana loo sheegay in ay jirto ciyaar kale oo waqtigaas oo kale loogu beegay.

Premier League ayaa soo saaray jadwalka iyo waqtiga kulamada horyaalka ee bisha December, waxaana xilli xun lagu tuuray Manchester United oo safar aanay jeclaysanin waqti habeennimo ah ku tegi doonta Newcastle.

Telefishanka TNT Sports ayaa shaaciyey in ciyaarta Newcastle United vs Manchester United ee December 2 ay ka dhigeen 8da fiidnimo ee waqtiga UK oo ku beegan abbaaro 10pm saacadda Geeska Afrika, waxaana jamaahiirta Red Devils sii niyad-jabisay in ciyaartu ay ku beegan tahay maalin Sabti ah.

Isla markii la shaaciyey waqtiga kulankan St James’ Park ay ku tegayso Manchester United, jamaahiirta Red Devils ayaa bilaabay inay baraha bulshada ku weeraraan Premier League iyo telefishanka TNT.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*