Wararkii Ugu Dambeeyey Suuqa Iibka Ciyaartoyda Ee Maanta Oo Khamiis Ah Ay Qoreen Wargeysyada Yurub


Difaaca Liverpool iyo Bayern Munich ee Joe Tomez oo 27 jir ah ayaa waxa doonaysa kooxda horyaalka Bundesliga ee Bayern Munich, inkasta oo Reds ay kusii dhegsanaanayso laacibkan. (Mirror)

Chelsea waxa ay ka fikiraysaa inay heshiis cusub u bandhigto xiddiga khadka dhexe ee reer England ee Conor Gallagher oo ah 24 jir ay u gacan haadinayaan Aston Villa iyo Tottenham. (Guardian)

AC Milan waxa ay wada-hadallo kula jirtaa Aston Villa oo ay ka doonayso difaaca midig ee reer Poland ee Matty Cash oo ay da’diisu tahay 26 jir, balse Villa ayaa dalban doonta lacag gaadhaysa  £30 milyan oo Gini. (TalkSport)

Tababarihii hore ee kooxaha Lille iyo Roma ee Paulo Fonseca ayaa noqonaya macallinka cusub ee AC Milan ee beddelaya Pioli oo shaqada ka tegay. (Sky Sports)

Wakiilka xiddiga reer Brazil ee Douglas Luiz oo ah 26 jir u ciyaara Aston Villa ayaa la kulmay Deco oo ah agaasimaha ciyaaraha Barcelona, waxaanay ka wada xaajoon doonaan suurtogalnimada sidii uu Luiz u tegi lahaa Camp Nou. (Sport)

Goolhayaha Liveprool ee Alisson Becker oo 31 jir ah ayaa iska diiday fursad uu ugu biiri lahaa kooxda Al-Nassr ee waddanka Sucuudiga oo ka dhigi lahayd goolhayaha ugu mushaharka badan kubadda cagta. (Football Insider)

Tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag oo 54 jir ah, ayaa saddex shuruudood ku xidhay in heshiiska cusub ee kooxdiisa Manchester United. (Sun)

Chelsea waxa ay si dhow ula socotaa xaaladda weeraryahanka Bournemouth iyo xulka England ee Dominic Solanke oo 26 jir ah oo ay doonayaan inay ku xoojiyaan safkooda xagaagan. (HITC)

Liverpool ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda dalab ka gudbiso 19 jirka khadka dhexe uga ciyaara FC Porto iyo xulka Portugal ee Joao Neves. (Correio da Manha)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*