Chelsea Oo La Saxeexanaysa Xiddig Uu Jecel Yahay Tababaraha Real Madrid Ee Carlo Ancelotti


Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa lagu soo warramayaa in ay doonayso xiddig uu aad u jecel yahay tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti, kaas oo hadda uu tababaraha cusub ee Blues ee Enzo Maresca uu ka dhiganayo bartilmaameedkiisa suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan.

Chelsea oo samaysay isbeddel dhinaca tababaraha ah oo shaqada ka eriday Mauricio Pochettino isal markaana magacowday Enzo Maresca oo ah tababare da’yar ah, ayaa waxa ay doonaysaa inay iska xoojiso dhawr boos oo ay wali diciif ka yihiin gaar ahaan afka hore ee weerarka.

Blues ayaa waxa ay wararku sheegayaan in ay Arsenal ku qabsanayso weeraryahanka RB Leipzig ee Benjamin Sesko, halka sidoo kalena uu liiskooda ku jiro gool-dhaliyaha Girona ee Artem Dovbyk oo xilli-ciyaareedkan ku guuleystay abaal-marinta gool-dhalinta horyaalka Spain ee LaLiga.

Laakiin waxa diiraddooda soo galay weeraryahanka reer England ee Dominic Calvert-Lewin oo u dheela Everton oo uu taageere u yahay tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti oo intii u dhaxaysay 2019 illaa 2021 tababare ugu ahaa Everton, ka hor intii aanu Ancelotti tegin Real Madrid.

Dominic Calvert-Lewin ayaa Everton u saftay 247 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u dhaliyey 68 gool iyo 18 kale oo uu caawiye ka noqday, waxaana hore ammaan ugula dul-dhacay Carlo Ancelotti oo ku sheegay ciyaartoy xooggan, gaar ahaan shaqadiisa gudaha garoonka iyo sida uu ugu fiican yahay dhamaystirka kubbadaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*