Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa shaacisay, in ay ka tageen saddex ciyaartoy oo qandaraasyadoodu dhamaadeen oo kooxda koowaad ahaa, ka hor inta aanu tababare Enzo Maresca bilaabin tababarka uu Blues ugu diyaarinayo xilli-ciyaareedka dambe.
Enzo Maresca oo shaqada ka beddelay Mauricio Pochettino ayaa waxa aanay garoonka Stamford Bridge isku soo gaadhi doonin difaaca ruug-caddaaga ah ee reer Brazil ee Thiago Silva oo hore u macasalaameeyey kooxda, isla markaana dib ugu noqday naadigiisii carruurnimada ee Fluminense oo uu si xor ah ugu biiray.
Waxa kale oo ay Chelsea shaacisay in ay ka tageen kooxdeeda labada ciyaartoy ee Josh Brooking iyo Noah Hay, hase yeeshee waxa iyagana mustaqbalkooda uu shaki ku jiraa Trevoh Chalobah iyo Conor Gallagher oo qandaraasyadooda min hal sano uu ka hadhsan yahay.
Dhinaca kale, Chelsea ayaa waxa ay xaqiijisay saxeexa dfiaaca reer England ee Tosin Adarabioyo ooay si xor ah ugala soo wareegeen Fulham.
Be the first to comment