Waxa la shaaciyey 10ka weeraryahan ee ugu mushaharka badan kubadda cagta adduunyada oo dhan waqtigan, waxaana sida aad filan karayso hoggaanka haya xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo hadda u dheela kooxda Al-Nassr ee waddanka Sucuudi Carabiya.
Ma jiro ciyaartoy kusoo dhow Cristiano Ronaldo, balse waxa laba-jibbaar ka hooseeya Karim Benzema oo kaalinta labaad ku jira oo isaguna u ciyaara kooxda waddanka Sucuudiga ee Al Ittihad oo xilli-ciyaareed uu ku dhibaatooday garoomada uu kusoo qaatay.
Qiimayntan oo la sameeyey markii uu Kylian Mbappe u wareegay Real Madrid oo uu ka tanaasulay mushaharkiisii badnaa ee uu qaadan jiray, ayaa waxa ay caddaysay in xiddiga reer France uu kaalinta sagaalaad u dhacay.
Mbappe oo hore u ahaan jiray ciyaartoyga ugu mushaharka badan kubadda cagta ka hor intii aanu Ronaldo tegin Sucuudiga, ayaa waxa uu ogolaaday inuu mushaharkiisa siddeed meelood ka dhaafo kooxdiisa cusub ee Real Madrid oo uu hadda ka qaadan doono lacag aad uga hoosaysa intii ay siin jirtay PSG.
Afar ka mid ah tobanka weeraryahan ee ugu mushaharka badan kubadda cagta waqtigan, waxa ay ka ciyaaraan horyaalka waddanka Sucuudiga, waana Cristiano Ronaldo, Karim Benzema, Aleksandar Mitrovic iyo Roberto Firmino.
Halkan kaga bogo tobanka weeraryahan ee ugu mushaharka badan kubadda cagta
10. Alvaro Morata (Altetico Madrid) – £224,086-toddobaadkii
9. Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain) – £246,153-toddobaadkii
8. Gabriel Jesus (Arsenal) – £265,000-toddobaadkii
7. Roberto Firmino (Al-Ahli) – £314,499-toddobaadkii
6. Erling Haaland (Manchester City) – £375,000-toddobaadkii
5. Aleksandar Mitrovic (Al Hilal) – £413,748-toddobaadkii
4. Harry Kane (Bayern Munich) -£413,748-toddobaadkii
3. Robert Lewandowski (Barcelona) – £448,172-toddobaadkii
2. Karim Benzema (Al-Ittihad) – £1,654,993-toddobaadkii
1. Cristiano Ronaldo (Al-Nassr) – £3,309,986-toddobaadkii
Be the first to comment