Bruno Fernandes Oo Ka Tegaya Man United, Arsenal Oo La Saxeexanaysa Osimhem, De Bruyna Oo Ka Xidh-xidhay City Iyo Wararka Suuqa Ee Maanta


Bayern Munich ayaa dalab ka gudbisay xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes oo ah kabtanka Manchester United, waxaanay wada-hadallo kula jiraan wakiilkiisa. (O Jogo)

Jadon Sancho oo 24 jir ah waxa uu diyaar u yahay inuu kusoo laabto Manchester United haddii laga eryo tababare Erik ten Hag. (Mirror)

Weeraryahanka Napoli ee Victor Osimhem oo 25 jir ah ayaa dalab ka sugaya Arsenal iyo kooxo horyaalka Sucuudiga ah. (Gazzetta dello Sport)

Tababarihii hore ee Manchester United ee Sir Alex Ferguson ayaa magaalada London kula kulmay agaasimaha ciyaaraha Crystal Palace ee Dougie Freeman, waxaanu kala xaajooday suurtogalnimada in Red Devils la saxeexato Marc Guehi oo 23 jir ah, Eberechi Eze oo 25 jir ah iyo garabka weerarka France ee Michael Olise oo 22 jir ah. (Football Insider)

Khadka dhexe ee Manchester City ee Kevin de Bruyne oo dhamaadka bishan 33 jirsan doona, ayaa la filayaa inuu helo dalabyo suurtogelinaya inuu ka tago kooxdiisa xagaagan. (Football Insider)

Cristiano Ronaldo ayaa la hadlay laba ka mid ah ciyaartoyda Real Madrid ay u wada dheeli jireen oo uu isku dayayo inuu ku qanciyo inay kula midoobaan kooxdiisa Al-Nassr. Waa kabtanka Real Madrid ee Nacho Fernandez oo 34 jir ah iyo khadka dhexe ee Brazil ee Casemiro oo ah 32 jir ku dhibaatoonaya Man United. (Marca)

Tottenham waxa ay diyaarinaysaa dalab ay ka gudbinayso garabka weerarka England iyo kooxda Nottingham Forest ee Callum Hudson-Odoi oo 23 jir ah ka hor inta aanay dhamaanin bishan June. (Football Insider)

Fulham ayaa doonaysa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Emile Smith Rowe, iyadoo 23 jirkanna uu doonayo inuu iskaga tago Emirates Stadium. (Telegraph)

LA Galaxy ayaa dalab rasmi ah u dirtay khadka dhexe ee reer Germany ee Marco Reus oo ah 35 jir shaaciyey inuu ka tegayo Borussia Dortmund oo uu kulankiisii ugu dambeeyey u dheelay finalkii Champions League. (Fabrizio Romano)

Tababaraha Leicester City ee Enzo Maresca ayaa Isniinta maanta si rasmi ah loogu dhawaaqayaa inuu yahay macallinka cusub ee Chelsea, waxaanu u saxeexayaa heshiis shan sannadood ah. (Fabrizio Romano)

Tababarihii hore ee Chelsea iyo Tottenham ee Antonio Conte ayaa la filayaa in loo magacaabo macallinka cusub ee Napoli toddobaadkan. (Nicolo Schira)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*